Cabdi Maxamed CUmar wuu ku guulaystay siyaasadisii

0
392 views

Cabdi Maxamed CUmar wuu ku guulaystay siyaasadisii ahayd inuu isku diro Oromadda iyo Soomaalidda

Abdi Iley ayaa bilaabay inuu colaad ka dhex abuuro Oromadda iyo SOomaalidda, waxa uu samaystay dhalinyaro Heego la yidhaahdo oo deegaanka iyo dawladoodda taageera, kuwaas oo u badan shaqaalaha dawladdiisa.
Dhalinyartan Heego ayaa ku doodaya in dhalinyaro sidooda oo kale ah oo oromo ah oo mudaharaadyo abaabuley ku guulaystaan inay Ra’isal wasaare ka noqdaan Itoobiya, waxaanay sheegeen iyaguna ku doodayaan in dantooda iyo rabitaankoodda ku shaqayn doonto Itoobiya amaba ka goosan doonaan.
Saraakiil ka tirsan Liyu booliska oo aan la hadlay ayaa ii sheegay inay iska celiyeen Oromadii soo weerartay oo ay ka saareen Jig-jiga, waxaanu tilmaamay inay hadda iyagu gacanta ku hayaan.
“waan iska celinay Oromadi inagu soo duushay ee idinku iska soo celiya oo Hargeysa iyo Wajaale ka soo dareeriya”ayuu igu jawaabay sarkaal ka tirsan ciidanka Liyuu booliska oo khadka telefoonka kula xidhiidhay.
Sidoo kale, waxa aan la xidhiidhay saraakiil dawladda ka shaqeeya oo ii sheegay inay ciidankii ku soo duulay magaaladad ka saaraan oo ay hadda ay gacantooda ku soo noqotay Jig-jiga,isla markaana ciidankii liyuu booliska iyo shacabka oo is kaashanayan ka saareen ciidankii Fadaraalka ee wadooyinka iyo xafiisyadda la dhigay.
Shacabkan laga dhaadhiciyey inay Oromo qabsanayso Jigjiga ayaa boobay meheradihii ay lahaayeen dadka aan soomaalida ahayn, waxa kale oo iyaguna Wajaale ku xaniban Oromo badan oo ganacsato ah oo jidka ka baqaya in lagala dego, halka intii jig jiga ku noolina cabsi badan haysato oo meel ay u baxaana aanay haysan.
Taageerayaasha Cabdi Iley ayaa doonaya inay shacabka kiciyaan, isla markaana dhibaatadi isaga loo haysta ku ilowsiiyo in dhulkoodda lagu soo duulay, taas oo soomalidu si fudud u kicin kara.
Cabdi Iley ayaa kicinta dadweynaha iyo is colaadsiinta Oromadda iyo Soomaalida ku badbaadi kara, isla markaana lagu ilaawi karaa dhibaatadii uu isagu dadkiisa u gaystay, sababtu waxa weeyi hadii aanu dadka kicin meel uu ku noolaan kara ma jirto, hadii xilka laga rido waxa huran in xabsiga loo taxaabo oo tacadiyadi uu gaystay loo qabsado, dibadna kuma noolaan karo oo dadkii uu wadanka ka eryey ayaa dibadana uga horeeya oo boqolaal uu qoysaskooda waxyeeleeyey ayaa dibadda ku sugaya oo ku dacweynaya, sidaas darteed waa inuu dadka uga dhigo inuu xuquuqdoodda u doodayo oo uu doonayo inuu Itoobiya ka goostaan.
Jigjiga maanta waa dawlad la’aan iyo nidaam la’aan, xadka si fudud baa la iskaga talaabaya, dadkii suuqii bay tuban yihiin waxay u sacad tumayaan ciidamda liyuu booliska. Ciidanku iyagoo damaashaadaya ayey laamiyada kolba dhinac u socsocdaan.
Barkhad-Ladiif

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.