Cabdi Ilay Oo Codsi U Dirsaday Dr Abiy Axmed

0
1,069 views
“Cabdi Ilay Wuxuu Isku Dayay In Uu Baxsado,” Booliska

Cabdi Ilay Oo Codsi U Dirsaday Dr Abiy Axmed
Addis Ababa(Sayruuq) Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) iyo xubno la xidhan ayaa maanta markii saddexaad la hor keenay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa. Maxkamadda ayaa mar kale 10 cisho dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta oo hore laba jeer u codsatay min laba todobaad, islamarkaana in ka badan bil kolba dib u dhigaysay dacwadda ayaa maanta canaan kala kulantay maxkamadda “Ma waxaad doonaysaan in aad iska jiidjiidataan,” ayuu ku yidhi Garsooraha dacwadda waxaanu ku amray in tobankaas cisho marka ay dhammaato xeer ilaalintu la timaaddo makhraatiyada iyo caddaymahooda.

Sida uu sheegay wariyaha BBCSomali Jigjiga Cabdi Maxamuud Cumar ayaa codsi u dirtay ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali “Waxaan maxkamadda ka codsanaya maaddaama aan 12 sanno dalkayga u soo shaqaynayay xilliganna lagu jiro is cafis ka yimid dhanka ra’isal wasaaraha in uu cafiyo aniga iyo dadka ila xidhan,” Farriintaas ayuu maxkamadda waydiistay in ay ra’isal wasaaraha ka gaadhsiiyaan.
Maxkamadda Oo Booliska Fartay Amar Ku Saabsan Cabdi Ilay
Waxa kale oo ay codsadeen in dadka soo bookhanaya laga daayo in lagu khasbo in ay af Axmaari ku hadlaan haddii kalena iska noqdaan. In aan cadceedda la tusin iyo cabashooyin kale ayay sidoo kale sheegteen.

Source: BBCSomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.