Cabbirka iyo Warbaahinta

0
136 views
Cabbirka iyo Warbaahinta

Cabbirka iyo Warbaahinta

Wayn, ballaadhan, culus, xooggan, yar, badan iyo qaar kale oo la mid ah waxay dhammaantood ka mid yihiin ereyada ay saxaafaddu isticmaasho marka ay wax sheegayaan.

Tusaale ahaan wariye ayaa sidan qoray; Qarax wayn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Saxafi. Waa qalad warbaahin ahaan in wariyuhu isticmaalo ereyga “Wayn” oo tilmaamaya inta uu le’egyahay qaraxu. Bal ka warran qofka usoo joogay qaraxii Soobe marka uu maqlo qarax wayn ayaa ka dhacay Hotel Saxafi? dabcan waxaa uu sawirranayaa in ay dhaceen wax ka wayn wixii horey uga dhacay Soobe. Si kale haddaan u dhigno ereyga “Wayn” waxaa uu noqonayaa buun-buunin, waayo waxa wayn iyo waxa yar qofka jaan-goynayaa maaha adigaaga weriyaha ah.

Tusaale kale; madaxweynaha Somaliland ayaa xadhiga ka jaray cisbitaal ballaadhan oo loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka. Marka aan leeyahay cisbitaal ‘ballaadhan’ waxay ka dhigantahay in cisbitaalkan uu ka ballaadhan yahay mid kasta oo la mid ah taasna weriyuhu ma xaqiijin karo.

Isticmaalka ereyadani waxay jahawareer ku ridi karaan dadka warbaahinta ku taxan ama ku xidhan, sidoo kale isticmaalka ereyadani waxay qalad ku tahay xirfadda warbaahineed ee wariyaha waayo wariyuhu waxba ma cabbiro ee waxkasta sida ay u jiraan ayuu u sheegaa.

Haddaba, muddooyinkan danbe waxaa dhacda in warfidiyeennada qaar isticmaalaan ereyadan iyo kuwo kale oo lamid ah taasina sax kuma aha (inta aan ka ogahay) mihnadda warbaahineed. Mahadsanidiin.
Khaalid Foodhaadhi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.