Buurmadow Oo La Sii Daayay & Eedaha Loo Haystay

0
985 views
Buurmadow Oo Ka Hadlay Mawqifka Beeshiisa Ee Dhexdhexaadinta Ceelafweyn
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

Buurmadow Oo La Sii Daayay & Eedaha Loo Haystay

Boqor Cismaan Buurmadow ayaa maanta damiin lagaga sii daayay xabsiga weyn ee Hargeysa sida uu BBC-da u sheegay Xildhibaan Ruush oo sheegay in uu soo damiintay. Buurmadow ayaa sheegay in aanu wax dambi ah galin laakiin, wuxuu ka gaabsaday in uu wax war ah bixiyo sida uu sheegay Axmed Saciid Cige wariyaha BBC-da.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa ka hors ii daynta Buurmadow waxa uu BBC-da u sheegay in Buurmadow loo haysto hadallo Qaranka ka dhan ah iyo madaxweynaha oo uu ka been abuurtay. Wuxuu sheegay in saldhigga looga wareejiyay jeelka weyn si uu halkaasi ugu qaato 7 cisho oo rumaan ah laakiin, waxa xusid mudan in la sii daayay iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn.

Madaxweyne Riyaale, Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi ayaa dhammaantood xidhay Boqor Buurmadow oo ka mid ah dadka caanka ah ee dhaqanka Somaliland, islamarkaana lagu yaqaano hadallo cadcad waxaanu dhawaan ka hadlayay in guddoomiyaha Kulmiye beeshiisa lagu soo wareejiyo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.