Buugga Xirsi Oo Sharci Darro Lagu Faafiyay

0
250 views
Xirsi Oo Ka Hadlay Buuggiisa La Faafiyay

Buugga Xirsi Oo Sharci Darro Lagu Faafiyay
Buugga Miyi ilaa Madaxtooyada ee hoggaamiye Xirsi Cali X Xasan dhawaan soo bandhigay ayaa galinkii hore ee maanta lagu arkay Internet-ka isaga oo ah PDF si bilaash ah lagula degayo. Arrintaasi oo dad badan u qaadan waayeen ayaa la sheegay in aanay ku iman ogolaanshaha qoraagga Buugga.
Ma jiro war rasmi ah oo uu arrintan ka soo saaray qoraagga buugga Mr Xirsi Balse warar soo baxay ayaa sheegaya in aanu fasaxiisa ku soo bixin buuggu ee si sharci darro ah loogu faafiyay Internet-ka, islamarkaana bulshadu baraha Internet-ka ku wadaagayso.
Xamse Cumar Kujoog oo ka mid ahaa guddidii qabanqaabada xafladdii bandhigga Buugga, islamarkaana munaasibadda xidhiidhinayay ayaa sheegay in hoggaamiye Xirsi u sheegay in uu baadhayo ciddii uu ka baxay buuggu, islamarkaana aanay arrintani ku iman ogolaanshihiisa.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.