Bulshada Carabta Weerarka Ku Qaaday Kabtanka Real & Ramos Oo Farriin U Diray Salax

0
906 views
Bulshada Carabta Weerarka Ku Qaaday Kabtanka Real & Ramos Oo Farriin U Diray Salax

Bulshada Carabta Weerarka Ku Qaaday Kabtanka Real & Ramos Oo Farriin U Diray Salax

Dhaawacii ciyaaryahanka Liverpool Maxamed Salax ku khasbay in uu daqiiqadihii 30-aad garoonka isaga baxo ayaa horseeday cadho baahsan oo baraha Internet-ka ay kaga falceliyeen Masaarida iyo Carabta kale ee caalamku.

Ciyaaryahanka reer Masar ee Maxamed Saalax waxa dhaawac garabka bidix ah u gaystay kabtanka Real Madrid kadib markii iyaga oo kubada wada cidhiidhsanaya inta uu gacanta midi gee Saalax kacanta ku marta hab sinsaaro ah isu dhaafiyay sidaasna Saalax dhabka iyo garabka bidix dhulka ugu dhuftay.

Malaayiin dadka isticmaala baraha bulshada ah oo luuqada carabiga isticmaalaya ayaa sameeyay Hashtag ama Calaamadda # taas oo xagga sare ka qabsatay waxyaabaha Twitter-ka ka socda.

Sida ay qortay waaxda ciyaaraha ee BBC-da waxay dadkaasi si ba’an weerar ugu qaadayeen Ramos oo ay ku eedeeyeen in uu si ku talo gal ah u dhaawacay Saalax waxaanay u adeegsadeen erayo ah Ramos waa Ey iyo waa xawayaan.

Ku dhawaad 15 kun oo qof ayaa twitter-ka ku qoray dhalliisha loo adeegsaday hashtag-ga ah #Ramosthedog (14.9K tweets).

Sidoo kale 50 kun in ku dhaw ayaa hashtag-ga ah #Ramostheanimal (47.9K tweets), ku dhalliishay Ramos iyaga oo sheegaya in aanu dhaawacu ahayn kama ee uu ahaa ku talo gal.

Qofka isticmaala Twitter-ka ah @MemoK896 ayaa soo qoray in aanu jirin ciyaaryahan sidii Ramos gacanta u qabsaday Salax ee dhulka ugu dhuftay yeela laakiin tani ay ahayd ku talo gal, islamarkaana uu u qalmayay in casaan la siiyo lagana mamnuuco ciyaaraha.Liverpool forward Mohamed Salah was injured during a challenge with Real Madrid captain Sergio RamosBulshada Carabta Weerarka Ku Qaaday Kabtanka Real & Ramos Oo Farriin U Diray SalaxLiverpool forward Mohamed Salah was injured during a challenge with Real Madrid captain Sergio Ramos

Mid kale wuxuu soo qoray in ciyaaryahannada Masar Ramos way u tagi doonan haddii uu Salax seego koobka adduunka isaga oo u jeeda in sida uu Saalax u galay ugaga aar gudi doonan kulamada ay isaga hor yimaadan.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Sisi ayaa boggiisa ku qoray in uu ladnaansho degdeg ah u rajaynayo Maxamed Saalax.

Danjiraha Ingiriiska ee Masar John Casson, ayaa isna soo qoray in falka Ramos sameeyay awgii dadka reer Masar murugaysan yihiin “Qof kasta oo makhaayadaha Kofeega jooga wuu murugaysan yahay. Sababta oo dhanna waa adiga Ramos-sow. Waxaan kuu rajaynaya bogsasho degdeg ah Salaxow iyo in aad ka soo dhalaasho koobka adduunka, dhammaantayo waanu ku barbar taagganahay.”

Weedha Ramos ee dhaawaca Salax

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa boggiisa Twitter-ka farriin ugu diray Maxamed Salax waxaanu yidhi “ Kubadda cagta ayaa mar ku tusta dhinaceeda ugu macaan, marna ku tusta dhinaceeda ugu qadhaadh. Waxaynu nahay bahwadaag, waxaan kuu rajaynaya ladnaansho degdeg ah, Salaxow mustaqbal ba ku sugaya, kubadda marna dhanka wanaagsan ku tusta marna dhanka xun, hadal iyo dhammaan saaxiibo ayaynu nahay,” Sidaas ayuu yidhi Ramos.

Ciyaarta xalay ee Real markii saddexaad oo xidhiidh ah ku qaaday Champion-ka ayaa Liverpool laga dareemay hoos u dhac markii Salaxa calanka u siday ka baxay garoonka waxaana taas kaga darna laba khalad oo gool waduhu sameeyay una saamaxay Real in ay si sahlan guushu ku raacdo.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.