Budhcad qawlaysato ah oo aan Doollar mooyee dan kale lahayn. WQ: Ibraahim Hawd

0
174 views

Budhcad qawlaysato ah oo aan Doollar mooyee dan kale lahayn in ay Soomaalilaand gacanta u gashay sheegisteeda joogtada ah dan ii gaar ah ka ma aan lahayn. Kolkii ay sharcigii iyo heshiiskii umadda laabeen ee la diidi waayay, ee wax wal oo sharci darro ah fasaxeen ee la diidi waayay, ee doorashadii umadda ka baajiyeen ee la diidi waayay, ee ay reerihii tafaraaruq abaabulan ku dhex tuureen ee la diidi waayay, waa iska caadi in ay budhcadnimo u badheedhaan. Boqollolaal fal oo wada sidaas ah bay sameeyeen oo la ga gilgilan waayay. Mar walba dad masaakiin ah oo waxaa ku oggol ayay arkayeen.

Dhabbanno haysta maanta dhacday waa gawrac la mariyay noloshii u gu dambaysay wax dawlad la gu sheegi karo. Laakiin umaddii dalka lahayd ma ay dhiman ee waa tass qaylinaysa. Qayladu haddaba ha u gudubto ficil la gu horjoogsado budhcadnimada socota. Tan uun ma aha ee ha loo kaco soo celinta idil ahaan wixii hanti ummadeed la xaraashay. Ha loo kaco soo celinta dastuurkii la doortay iyo sharcigii. Ha loo kaco soo celinta dawladnimadii Soomaalilaand.

Haddii kale, magaca Alle ayaan ku dhaartaye, dhulka aad ku dhaqan tihiin oo dhan baa la iibinayaa. Ciidankaa shisheeye ee Berbera ka soo degayaa waa awooddii berrito diidmadiinna xaqa ah la gu cabbudhin lahaa. Wax ay se noqon doontaa goor xeedho iyo dandhaal ka la dhaceen.

Dunida maanta waxaa ka soo cusboonaaday gumaysi iyo dhulboob, aydoolojiyad iyo siyaasad aan lacag ahaynina waa ay dhamnaatay, madaxnimada cusub ee ganacsadaha Maraykanka ayaana taa markhaati u ah ee u dhug lahaada dadow.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.