Boqortooyada Reer Ala-Sacuud waxa ay ogolaadeen, hadal iyo hawl badan ka dib, in ay haweenku baabuur kaxayn karaan. WQ.Maxamed Haaruun

0
51 views

Doodda ah haweenku baabuur ma wadi karaan, waxa ay ku dhisnayd laba tiir oo laakiin aad u nugul.

Mar waxa ay odhan jireen gabadhu ma laha karti/awood caqli iyo mid jidh ahaaneed oo ay baabuur ku maamuli karto. Marka xigana waxa ay odhan jireen, diinta Ilaahay (SWT) iyo dariiqaddii Nabigiisa (SCW), ayaanay ku banaanayn in ay gabadhi baabuur kaxayso. Labada dooddood ba niman culimo ah ayaa taageeri jiray, oo wakhti badan geliyay, kutub badan na ka qoray. Taasi waxa ay ahayd doodda banaanka taalla, laakiin sababta dhabta ahi taas ma ahayn marnaba. Runta kolka loo hadlo, arintu ma ahayn marnaba mid diineed, sida oo kale ma ahayn wax boqortooyadu ay wadato oo ku kooban, bal se waxa ay ahayd dhaqanka/rabitaanka bulshada dhulkaas ku dhaqani wax uu sababay, diinta na meel looga raadinaayo.

Ninka dhulkaas jooga waxa uu si adag u aaminsanyahay, oo awawyaal la soo kala dhaxlay, in haweenaydu hadiiba ay ka qarsoonto indhaha ninkeeda/walaalkeed/aabaheed, oo albaabka guriga ba ay waydaarato, in ay wax xil leh iyo foolxumo ku maqantahay. Fahamka noocaas ah, oo bulshada ragga ah ka wada dhaadhacsan awgeed, ayaa xeerarka noocan ah loo dajiyay, diinta na meel baa looga baadhay. Dhibaatadu waxa ay ahayd, walina tahay, in wixii mujtamacaas dhaqankooda ahba, qalad iyo sax, diinta meel looga raadiyo, oo la yidhaahdo islaamka ayaa sidaas qaba.

Ilaahay ku soo qabay, maxay been qayaxan sheegeen. Wixii ay kutub yaryar iyo kuwo waawayn ka qoreen mawduucan, iyo wixii ay muxadarooyin ka jeediyeen maxay imika ku sheegi? Laakiin waxay odhanayaan sheekhyadu waa ay ijtihaadeen, oo ajri baa ay ku leeyihiin. Ma wax ay yidhaahdaan baa ay waayayaan. Sawkuwaas fatwada ka soo saaray arinta Qadar ee yidhi Qadar diintii ayay meel kaga dhacday, ee xaramka laga habaaraayo. Walee in aanay ijtihaadin ee waa shufto.

Bal u fiirso, iyada oo haweenka caalamka kale ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee culus, sida B52, oo inta ay Maraykan ka soo duusho, ay Afganistan ama Ciraaq duqaynayso, oo iyada oo aan joogsanin Hadana ay dib Maraykan ugu noqonayso, in lagu doodo haweenka caqligoodu ma dhama, sidaas darted baabuur ma kaxayn karaan, amaba Ilaahay ma ogola oo waa xaaraan, ma ahayn dood cago ku istaagi karta, waana taas duntay. Si badheedh ah ayaa caqliga dadka iyo diintooda ba loo caayayaa, laguna ciyaarayaa saw ma aha? Xeerkii dawladeed iyo dooddii diiniga ahayd ba meesha ayaa ay haatan ka baxday, laakiin dhaqankii sidaas doonayay wali waa halkiisii. Sucuudiyiinta, wadaad iyo waranleba, waxa la gudboon in ay isla meel dhigaan horta in ay haweenaydu qof aadmi ah, oo garasho iyo go’aan ba leh tahay iyo in kale; Hadba midda ay isugu dhacaan ayayna ku xidhnaan sida ay tahay in ay haweenka ula dhaqman. Soomaalida Sucuudiga aad ugu xidhan na, waa in ay gaadhaan heerkii ay ku kala saari lahaayeen wixii dhaqan ah ee bulsho gaar ahi leedahay, xumaan iyo samaanba, iyo wixii diin ah. Nin aad isku fiicantihiin, oo gurigiisa kugu marti qaaday, oo dibsanaaya in xaaskiisu shaah/biyo idiin keento ayaa badan, marar badan na waa la kulmay. Ogow diin sidaasi ma aha ee waa dhaqan qolo kale. Qofkii sidaas la dhacsan anigu ma ceebaynaayo, lakiin wa in uu ogaado in waxa uu ku dhaqmayaa uu yahay uun dookh ama doorasho shakhsi ah iyo caado, oo aanay diin ahayn. Mugdiga habeenku waa dhamaanayaa si kasta oo uu u dheeraado.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here