Boqor Buurmadow Oo Ka Hadlay Colaadda Ceelafweyn

0
557 views
Buurmadow Oo Ka Hadlay Mawqifka Beeshiisa Ee Dhexdhexaadinta Ceelafweyn
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

Boqor Buurmadow Oo Ka Hadlay Colaadda Ceelafweyn

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka tirsan hoggaanka dhaqanka Somaliland gaar ahaana beelaha Habarjeclo ayaa ku baaqay in hannaan nabadeed lagu dhammeeyo colaadda ka soo cusboonaatay degmada Ceelafweyn. Waxa uu ka mid ahaa dadkii ka shaqaynayay heshiiskii u dambeeyay ee la kala dhex dhigay beelaha walaalaha ah waxaanu soo jeediyay in la fuliyo sharcigii lagu heshiisiiyay labada beelood oo reebayay wixii aano qabiil ah, loona raaciyay qofkii dhib gaysta shaqsiyaddiisa.

Qoraal uu boggiisa Facebook ku daabacay Boqor Buurmadow ayaa u dhigan sidan:-

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhibaatada kadhacday dararweyne marka hore waxa dhiilada warkeedu isoo gaadhay aniga oo kusugan kabcada xaramka ilaahay waxaan kabaryayaa umada ehelka ah in uu quluubtooda isusoo jeediyo anaga kawaayeel ahaan beelaha nabad iyo wacad iyo dhaar baanu uqaadnay xeer iyo boon adag na waanu dhexdhignay balantuna waxay ahayd in cida jebisa sharciga lahorkeeno cid kajawaabtaana aanay jirin godob tuna kukoobnaato wixii geysta fidno sharcigaana waanu kufulinay cidii jebisay oo kii ugu horeeyey waanu sooqabanay boonkiina waa lagubixiyey dadka fidnada danbe iminka keenay waxay ahayd in wadadii lagu heshiiyey lamariyo mana ahayn in dibdanbe aargoosi udhaco wadadii lagagubay na lagunoqdo hadaba mawqifka aanu kataaganahay wax weeye in lafuliyo heshiiskii nabada anaga waayeel ahaan halkaas baanu kataagantahay wixii dhacayna cidwalba inay kagarawdo khaladkeeda dariiqa xaqana lagusoo noqdo xukuumada waanu uga mahadcelinaynaa talaabada aykaqaaday. Waanuna kula shaqaynaynaa amaan ka iyo nabadgelyada waxaan qirayaa wakhtigii aanu kashaqaynaynay nabadgelyadii saladiintii iyo waayerlkii beelaha garxajis iyo habarjelo doorkii shariifka ahaa aykaqaateen anigana iyo waxgaradka beeshu dededaalkii. Aanu kagalay iyagaa markhaati ka ahaa run ahaantii doorashadii dhamaatay xanafteedii iyo arinka nabadgelyada ee ehelkayaga anagu iskuma khaldayno midwalba boogihiisa. In gaar loo dhayo bay ubaahantahay. Ilaahay xaqa hanafahansiiyo cidwalba oo baaqnabadeed soo jeedisay waan u mahadnaqayaa waanuna soo dhowaynaynaa waana inloo hogaansamo cidii samaha katalinaysa diyaar umanihin inaanu ujawaabno dadka albaabada sharka garaacaya.”

Bogga Boqor Buurmadow ee Facebook

  1. Sul. Cumar Oo Ka Hadlay Weedhaha Salaadiinta
  2. M. Xigeen Saylici Oo Canaantay Beelaha Ceelafweyn

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.