Boqor Buurmadow Oo Ergo Ahaan U Jooga Puntland

0
799 views
Xukumadda Oo Ka Hadashay Xadhigga Buurmadow

Boqor Buurmadow Oo Ergo Ahaan U Jooga Puntland

Boqor Cismaan Maxamuud (Buurmadow)waxaa uu si adag uga hadlay xaaladda Puntland iyo Soomaaliland oo uu sheegay in ay ku howlanyihiin sidii xal loogu heli lahaa colaadda ka soo cusbonatay degaanka Tukaraq. Boqor Buurmadow ayaa degmada Carmo ee Puntland kaga qayb galay caleema saarka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

“…Dadka Soomaaliyeed waa walaalo, siyaasiyiinta ayaa xooga ina kala qoqobtee bulsho ahaan isma aynaan qaban, anagu waxaanu Somaliland uga nimi caana-shubka ka sakow ergaanu sidnaa, anagu dhaqan ahaan waxaanu culays ku saraynaa Muuse Biixi in laga fogaado wixii colaad inoo keenaya dagaalna uma baahnin walalayaal, Cabdiwelina waa lasoo xiriirnay waxaanu Muuse ka filaynaa  in isagoo cusub inuusan  colaad ku bilabin, xukuumada iyo guud ahaan Somaliland, waxan usoo jeedinaynaa in ciidamada laka qaado. Nabadgelyeynu u bahannay maanta uma baahnin colaad iyo ciidamo is hor fadhiya…” Sidaas ayaa hadalka Boqor Buurmadow ka mid ahaa.

Boqor Buurmadow waxaa uu hadalkan ka jeediyey Caleema Saarka Beeldaaje Beeldaaje Ismail Beeldaaje Cabdulaahi oo maanta lagu caleema saaray degmadda Carmo ee Gobolka Bari.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here