Boqor Buurmadow Iyo Garaad Jaamac Oo Ka Hadlay Caafimaadka Cali Sandulle

0
351 views
Boqor Buurmadow Iyo Garaad Jaamac Oo Ka Hadlay Caafimaadka Cali Sandulle

Boqor Buurmadow Iyo Garaad Jaamac Oo Ka Hadlay Caafimaadka Cali Sandulle
Hargeysa(Sayruuq) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo hoggaaminayo madax dhaqameed miisaan leh ayaa shalay bookhday Siyaasi Cali Sandulle oo muddo xannuun u jiifa gurigiisa magaalada Hargeysa. Madaxda dhaqanka ayaa Alle uga baryay in caafimaad degdeg ah oo khayr leh, islamarkaana sheegay in ay hormuud ka noqonayaan kharashka ku baxaya haddii dibadaha loo qaadayo.
Boqor Buurmadow ayaa sheegay in dhalliisha ah in aanay dawladda Somaliland xil iska saarin dawaynta siyaasi Cali Sandulle tahay in ay waajibaadka ka saaran ka soo baxdo “Cali Sandulle aniga waliba waa Abtigay oo aanu si gaar ahna saaxiib u ahayn. Illaahay waxaan uga baryaya Caafimaad. Maalmahan waxaan arkayay warbaahinta oo la leeyahay ‘Somaliland waajibkeedii kamay soo bixin’ waxaan qaba cid walba in ay waajibkeeda qabsan doonto, xukumadduna way qabsan doonta oo Cali way ka qabsan doonta anaguna dee waxaan u malaynaya inta uu abtiga u yahay baaba ku filan oo in cid loogu qayliyaba maahe caafimaadkiisa inta uu abtiga u yahay iyo inta ehelka u ah baaba ku filan,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Buurmadow.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isna Alle caafimaad uga baryay Cali Sandulle “ Cali horena dhakhtar wuu u tagay oo Jabuuti ayuu tagay haddana diyaar baa loo yahay meel alla meesha uu ku caafimaadayo Illaahay baa caafimaadka haye, duco iyo bookhasho ayuun baanu ugu nimid, Allena waxaan kaaga baryaya in uu ragganimadaadii iyo caafimaadkaagii si dhib yar kuugu soo celiyo,” Sidaas ayuu yidhi Garaadku.
Siyaasi Cali Maxamuud Axmed Sandulle oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Somaliland xilal kala duwanna soo qabtay isaga oo xannuunka laga dareemayo wuxuu si kooban u sheegay in madaxda dhaqanku hadda uu shaqadooda haysato isaga oo ku bogaadiyay bookhashadooda iyo in ay xabsiga ugu tageen maxaabiis waxaanu ku boorriyay in ay sii wadaan oo xattaa siyaasadda doorkooda qaataan.
Geesta kale madaxda dhaqanka ayaa xabsiga ku bookhday maxaabiis muddooyinkii u dambeeyay cuntada ka soomayay waxaanay sheegeen in ay ka aqbaleen in ay cuntada cunaan inta arrintoodu dhan u dhacayso.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.