Booqashadda Ra’isal wasaaraha Cusub ee Itoobiya ku yimid Jig-jiga…

0
625 views
Ra’isal wasaaraha Cusub ee Itoobiya ku yimid Jig-jiga

Booqashadda Ra’isal wasaaraha Cusub ee Itoobiya ku yimid Jig-jiga waxay ahayd mid isbedel ka muuqdo.
Ra’isal wasaarahan cusub ee Itoobiya Dr:Abiy Axmed ayaa u muuqdo mid ka duwan Ra’isal wasaarayaashii Itoobiya soo maray, waxanu dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku yimid shaqadh la’aan, halka awal marka uu Ra’isal wasaaro imanayo la xidhi jirey dhul iyo cirba,isla markaana meel walba laga dareemi jirey, iyadoo amniga aad loo adkayn jirey, haseyeeshee maanta way ka duwanayd, waxaanu Jigjiga yimid iyadoo qaabkii hore ee la samayn jirey aanu jirin.
Weftiga uu Ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiyu Axmed waxa ku wehelinayey Rasal-wasaare kuxgeenka mudane Dembeke Mokenen, madaxa xarunat dhexe ee xisbiga EPRDF mudane Shiferew shikute, wasiirka arrimaha dibada Dr Warkene Gabayu, madaxwaynaha deegaanka Oromada mudane lemma Magersa, Wasiirka wasaarada arrimaha federalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada mudane Kebede Jane iyo mas’uuliyiin kale.
Imaanshiyahan waxay ka dhignayd in labada shacab ee walaalo ah ee Oromada iyo Soomaalidda la tuso inay jaar iyo dalba wadaagaan, waxaana weftiga la scoday madaxweynihii kililka Oromadda ee sida weyn isku hayeen madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar, waxaana labada shacab la dareensiiyey in aanay waxba ka dhexeyn ee dad dano siyaasadeed lahaa ka dhex faa’iidaysanayeen.
Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar waxa uu Ra’isal wasaaraha tusay waxqabadkiisa oo ay ka mid ahaayeen Booyadaha dab-damiska, guryo laga sameeyey 95% Dhoobo iyo lamaanayaashii la isku guuriyey ee beelaha Gabooye iyo beelaha kale oo uu sheegay inuu meesha ka saarayey is dhexgal la’aanta qabiiladda,isla markaana uu dhaqankii hore ee bulshadda aan la guursan meesha ka saarayey.
Fariintan Ra’isal wasaaraha cusub waxay tusaysay in xaaladii hore wax iska bedeleen oo Itoobiya gashay jawi cusub oo furfurnaani ka muuqato.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Oo Jigjiga Imanaya

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.