Booliska Somaliland Oo Gacanta ku Soo Dhigay Maandooriyaayal u Horeeyo Khamri

0
244 views

Hargeysa(Sayruuq)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay khamri dhan 205 agadood sida u  sheegay afhayeenka ciidanka Gaashanle Sare Faysal Xiis ,sido kale waxay ciidanku soo qabteen daroogooyin kala duwan iyo qalab loo adeegsado waqtiga ay  istimcaalayaan.

Faysal Xiis oo Warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in ay hawulgaladan sii wadi doonanan waxaanu yidhi “Hawul-galka baaladhan ee ciidanku booliska somaliland qaadeen waxay ku soo qabqabteen 205 caagadood oo kahmriga loo yaqaano(Daray Jiin) waxay kaloo ku soo qabteen xashiishad dhan labba xidhmo weyn iyo 23 xidhmoo yaryar, waxay kaloo ciidamu boolisku soo qabteen kiniino Disparo ah kaaso ay isticmaalaan dhalinyarada rabshoodolayaasha waxaa kalo soo qabtay falaasado khamriga lagu soo shubto marka la qaylaayo ay iticmaalaan dhalinyarado rabshoodaloyaasha ,waxa kalo ciidanko soo qabteen midiyo iyo faashaash kaas hortiina yaala ,isbiirto waxa la arki jiray la cabo laakin se mid lagu qaylaayo maynaan arag oo falaasado lagu shubto”.

afahyeenka ciidamda booliska somaliland ayaa sheegay in isbiirtooyinkan xaalado caafimaad oo khatar ah ay keenan “isbiirtooyinkan waxaa ku jiro kuwa lagu indha beelayo sida ay noo sheegeen dhakhaatiirtu,waan ku keena rabshadaha nabadgaliyadda khatarta galiya, arrintan waa hawulgal ciidanka booliska somaliland ay wadaan habeen iyo maalin waana la wadayaa mana joogsanayaan ,booliskuna waa saaxiibka dadweynaha sidaan hore ugu sheeganay wanan ku celcelinayna.”

Booliska Somaliland ayaa maalmahan waday sido kale hawulgalo ay ku sheegeen dhaqan celis oo dhalinyarta somaliland timaha lagaga xiiraayo kuwa timaha badan la baxa.

Hargeysa-Office

SayruuqNews

contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.