Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Daroogo iyo Lacag

0
541 views
Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Daroogo iyo Lacag

Hargeysa(Sayruuq)-Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay daroogada nooceeda Isbiirtada oo ka kooban 81 litter iyo lacagtii ay ku iibiyeen maandooriyahaasi oo iskugu jirta shilinka Somaliland, Bir iyo Dollar.

Shir saxafadeed saaka hiirtii horay ay qabteen taliska ciidanka booliska somalilan ayaa waxaa ka hadlay Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Md Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle “waxaa lagu qabqabtay hawulgalkaa nimankii food-dheerayaasha ahaa oo badan halkana waxaa yaala sidaa aad arkaysaan Isbiirto ama daroogadda oo tiradood 85 litter tahay, caagadahan madhini waa kuwii inamada loogu shushubayay oo madhan ,lacgtana waa lacagtii lagu iibayay kuwii hore baxay, dhamaan alaabtaasi waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka bilayska gaar ahaan Qeybta bariga gaar ahaan Saldhiga Sheekh Nuur iyo Saldhiga 49 ee gacan libaax , taliyaashi ka hawulgalay aad bay u mahadsanyihiin”

Taliye Fooxle oo bulshada Somaliland kala hadlay cida baaburta la waayo xaday ciday yihiin ayaa yidhi “Waxaan kalo rabaa in halkan dadweynaha uga sheego nimkan baaburta xada xaldooda iyo halkan isla marayno ilaa iyo hadda waxaan gacnta ku haynaa 10 qof oo ah kuwii tuugta ahaa ee baabuurta furfuran jiray waxaanay ku xidhanyihiin saldhiga koodbuur waxaana lagu fulin doona sharciga waana la hor geyn doona.”

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland  Md Faysal Xiis Cilmi ayaa ka warmay qaabkii loo soo qabtay daroogadaasi iyo eedaysanayaasha ay u hayaan kiiskan “halkan waxaad ku argtaan mukhaadaraad faro badan oo ay dhalinyaradda ka iibanayeen halkana waxaa lagu soo qabtay 81 cagadood oo daroogada Isbiirtada ah 36 caagadood oo madhan iyo Sideed malayan iyo saddex boqol iyo sideedtan kun(83080000 slsh) kun iyo boqol itoobiyan birr ah (1100 riyaal) iyo saddex boqol iyo lixdan iyo labba dollar (362 dollar) nimkan mukhaadaraadka iibinyay waxaa loo soo xidhay ilaa 8 qof  oo rag iyo dumar ba leh , waana kuwa shaqo ka dhigtay oo caadaystay inay waxaa iibiyaan booliska ayaana gacanta ku soo dhigay”

Afahayeenka ayaa tibaaxay in dhamaan kiiskan is barkan ee la soo qabqatay eedasanayaashooda dhamaantood la hor geeyanaayo maxkamadda .

Halakn ka daawo

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.