Booliska Oo Xidhay Masuul Xukumadda Ka Tirsan

0
1,158 views
Booliska Oo Xidhay Masuul Xukumadda Ka Tirsan

Booliska Oo Xidhay Masuul Xukumadda Ka Tirsan

Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan. Masuulkan ayaa ku xidhan Saldhigga Iftin ee degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiggiisa.

Cabdillaahi ayaa ah afhayeenka guud ee wasaaradda waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye waxaanu ka mid ahaa dadkii da’da yaraa ee halgankii SNM ka soo qayb qaatay isaga oo maamule ka soo noqday dugsiyo sare.

Xukumadda madaxweyne Muuse ayaa bilawga muddo xileedkeeda la kawsatay xadhigga dad door ah oo caan ah kuwaas oo uu ka mid yahay Boqor Buurmadow iyo dhalinyaro loo haysto fikradahooda oo ay baraha bulshada ku qoreen.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.