Booliska Itoobiya Oo Shaaciyay Sababta Uu U Dhintay Injineerkii Biyo Xidheenka GERD

0
657 views
Booliska Itoobiya Oo Shaaciyay Sababta Uu U Dhintay Injineerkii Biyo Xidheenka GERD

Booliska Itoobiya Oo Shaaciyay Sababta Uu U Dhintay Injineerkii Biyo Xidheenka GERD
Addis Ababa(Sayruuq) Booliska Itoobiya ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen Jimcaha maanta ku shaaciyay sababta Maareeyihii guud ee Mashruuca biyo xidheenka GERD u dhintay. 26 July ayaa maydkiisa laga helay magaalada Addis Ababa gaadhigiisa dhexdiisa.

Zeyinu Jemal Komishaneerka booliska Itoobiya waxa uu maanta wariyeyaasha u sheegay in sida ay muujinayso baadhista hordhaca ah uu is dilay Eng Simegnew Bekele. Waxa uu sheegay in baadhisaha caafimaad iyo farsamo soo saareen natiijo ah in aanay cid ka baxsan isagu ku lug lahayn dilkiisa. Baaskoolad laga helay gaadhigiisa ayaa la ogaaday in uu isagu lahaa, halka dhaawac kaga yaallay dhegta dabadeeda loo aqoonsaday baaskoolad uu isku dhuftay.

Boolisku wuxuu sheegay in sababta uu isku dilay tahay dhako faar uu ka qaaday mashruuca uu maamulayay oo gaabis ku jiro. Waxa kale oo uu diidana kharash badan oo ku baxa mashruuca oo aan u dhigmin shaqada laga qabto mashruuca. Waxa uu biyo xidheenka maamulayay ilaa 2011.

Mashruucan Webiga Nile biyihiisa lagu xidhayo waxa si weyn uga soo horjeeda dawladda Masar oo u aragta in biyaha ay ka isticmaasho webigu meesha ka baxayaan haddii mashruucaasi hirgelo. Arrintaas ayaa sababtay in guux badan ka dhasho gudaha Itoobiya markii la ogaaday geerida Eng Simegnew Bekele taas oo laga shakisna in la khaarajiyay.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.