Booliis iyo Baad baan uga Tahriibey Somaliland!!!

0
166 views

Booliis iyo Baad baan uga Tahriibey Somaliland!!!

Dagaallo Sokeeye oo Somaliland ka dhacay Burburkii Dawladdii Millatariga aheyd ee Soomaaliya kadib, waxaa la Unkay Ciidamada Booliiska Somaliland oo ka qeyb qaatay dhismaha Dawlada.

Ciidamadda Booliiska oo aan mushahar ku filan iyo xaq sidaas u buuran qaadan waxay u tafaxayteen ilaalinta nabad galyada Bulshada Somaliland Muddo 24 sano ku dhaw, Marxalado kala duwan iyo dhibaatooyinka adagna kala soo dabaasheen. Waa wax qabadka aan la dafiri Karin ee cidwaliba garanayso iyo dhibta ugu weyn ee ciidankaasi haysta.
Akhriste maanta ka hadli mayno, mushkiladaha haysta Booliiska Somaliland balse waxaynu is tusi doorka ciidamadda Booliiska iyo Masuuliyiinta dawladu ku leeyihiin Tahriibta Dhalinyarta Somaliland ee intooda badan ku qaraqmeen Baddaha iyo Surbacaadka Saxaaraha ay ku beegsadaan Qaarada Yurub.

Kumaanaan Dhalinyaro aqoonyahan iyo waxgarad usoo kacayay dalkan ayaa maalin kasta, bilkasta iyo sanadkasta ka tabriiba Somaliland waxaa ku kalifta dhibaatooyin badan oo ay kow ka tahay shaqo la’aan, Cadaalad daro, Dhibaato masuul amma qof ka sareeya u geystay oo xal loo waayay, Yasid, Awood sheegasho, Bahdil, Xadhig, Cabudhin, Garaacis, Takoorid, Baad iyo wax yaabo kale oo badan.
Aynu soo qaadano shaqo la’aanta dhalinyarta uga tagtay: 71% waxaa la sheegaa in dhalinyarada Bilaa shaqo tahay, Haa Somaliland waxaa bilaa shaqo, waa run oo adiga gurigiina hadddaad shaqeyso imisa kale ayaan shaqeyn oo kula seexda?
Masuuliyiinta dawlada Waxay meel walba ka sheegaan inay ka xunyihiin dhibaatada tahriibka dhalinyarada “Dhalinyarteenii baddaha ayay ku madheen waanu ka xunahay dhibaatada, dhibta Yurub taala ma arkaan, Annagaa kasoo shaqo tagnay, Waanu la murugeysanahay dadkaasi ciyaalkoodu dhintaan” waxaad ka maqashaan masuul kasta oo hadlaya Goob fagaare ah ha noqdo Ganacsade, Sarkaal, Wasiir, Madaxwayne iyo mid kaleba.

“Shaqo la’aani ma jirto Somaliland, Waayo? Haddii imika hooyadey I siiso $2000 amma $1000 oo aan kaga shaqeysto magaalada Hargeysa kuma shaqeysan karo, Tukaan ma furan karo, Alaab masoo Dajin karo(Somaliland Hal Tan wax ka yar Ruqsada ganacsiga lama siiyo haddii qofku alaab soo dajinayo), Bagaash ma furan karo, meherad yar ma sameysan karo, Goodhi yar ma helayo meel aan ka sameysto.
Waxaanan intaas oo dhan u qaban Kari waayay, maba haysto meeshii lagu shaqeysan lahaa (Suuq). Waan indho adeygay oo suuqaan Kaaryoon Alaab yar saartay, Intee in leeg ayay alaabtaydaasi amaan tahay? Ma aqaan! Meherad Kabo lagu iibinayo ayaan Waddo Cidhifkeed dhigtay, Ma hubo in aan maalintaas alaabteyda oo hagaagsan aan dib ugu celiyo Bakhaarkii aan saaka kasoo Daabuley! Waayo? Askarigii, Dawladdii Hoose, Wasaaradii Maaliyada, Lacagtii Xashiishka intaba waa la iga rabaa.

Askarigu wuu iga eryaa meeshii aan waxyar ku iibinayo “Yaa ku yidhi halkan dhig? Kac, Qaad” Laad iyo Garaacis ayaa ku xigta, maalintaas waxba ma shaqeysto, waa lay xidhaa! La ima soo daayo! Waxba la ima waydiiyo! cid ima Oga Xadhigeyga! Maxkamad la ima geeyo! Todobaadbaan sidaas ku xidhnaadaa, Reerkii lacag ayaa laga qaadaa, waa la iska kay soo daayaa, ma aqaan ma sharcibaa lagugu xidhay?, mise sharci daro? Saldhigii ayaan dib u eegaa Markaan kasii baxayo Hanjabaad iyo Cay ayaa la iga daba keenaa haddaan jaleeco.

Dib ayaan alaabtii intii kasoo hadhey Suuqa ula yimaadaa bal inaan shaqo kale bilaabo, waa sidii la igu xidhay maalintii hore Qof waxba kama iibiyo, Markuu askari ku arko wuu kuusoo haliillayaa, haddii uu ku qabto Xadhig amma Laaluush bixi weeyi xaalku, Maalintaanad hayn waxaad iskaga furfurto waa xadhigii uun, dib ayaad saldhigii ugu noqonaysaa, Amarkii ayuu diiday, Wuu I caayay iyo hafar joogto ah, Taliyihii, askarigii iyo kuwa saldhiga aad ugu tagtaa waxba ku waydiin maayaan Waa kabaha Saar oo Gal Ey yahoow.

Cayda, Aflagaadada iyo hagardaamada aad mid walba kala kulmeysaa waxay naftu ku odhanaysaa Adiga waxaa kaa sharaf badan Oromada Dawarsanaysa, Dawlad shaqo kama rabo, Ganacsade waxba ma waydiisan, ee waxaa la igu dhibaateeyay ee Bishiiba mar lacag Baada amma Xadhig sharci daro ah la iiga qaadaa waa Ganacsigii yaraa ee aan islahaa Hooyadey oo Tabcaan ah masaariifta uga soo saar.
Maalmo kale ayaan islaantii Hooyadey oo aan cid kale laheyn ka xidhnaadaa, ma ogi inay dhimatay iyo inay nooshahay, Inay wax cuntay iyo inay qaddey, in ay caafimaad qabto iyo inay Xanuunsan. Mararka Qaar waxaan is waydiiyaa kuwani miyaanay adiga kuu shaqeyn? Maxaa sidan laguugu caddaadinayaa?Maxaad galabsatay? Waxaanse su’aalahaasi isku ilowsiiyaa mar haddii aanad kaligaa aheyn oo dadka kale ee aad isku ganacsiga tihiin sidan yihiin samir way hagaagi. Maalmaha Qolada Dawlada Hoose imanayso iyaga ma shaqo tagno waayo? alaabtayada waanu waayeynaa haddii lana qabto. Ciil maanqabeen haddii meel aan alaabtayda yar dhigto la ii sameeyo oo lacagba la iga qaado bishii, laakiin waxaan isweydiiya sababta iyadoon waxba la idiin ku sameyn, la iiga eryo halkii aan ku shaqeysan lahaa? ee habeen iyo maalin Baadda la iiga qaadayo. Cashuurta jiwan ayaa lanoo jaraa, Balse waxan kale waxba lanagama qaado! Haddana waxaan la yaabanahay sababta cashuurta la iiga qaado haddaanan meel sharci ah ku shaqeysanayn!

Miyaa la iga daayo lacagaha iyo Xadhiga jidhdilku ii raaco, Miyaa meheradan yar aan ku shaqeystee la ii daayo, Xilimaa lagaa xareyn alaabtan? Goormaa Askartii kuusoo dhuuman oo ku qaban ayaa naftii iga saartay oo werwer igu dishey. Hooyadey ayaa 2015 dhamaadkiisii Tii Alle u Timid, Maalmo maan soo shaqo tagin oo howshii geerida ayaan ku maqnaa, 10 Cisho kadib ayaan shaqadii dib u bilaabay oo aan alaabtii iyo kaaryoonkii yaraa lasoo Baxay Laba cisho markii aan shaqeynayay, ee aan suuqa la qabsaday ayaa galab laba Askari alaabtii iga Daadiyeen intay Lacag i waydiiyeen, Dabadeed xadhigii ayay igu celiyeen, dadkii suuqa ayaa alaabtii ii gurey wixii Qoyaanka Biyaha iyo Bililiqadii kasoo Hadhey ayaan imika Iibiyay oo lacagtii yareyd ee kasoo Baxday aan ku Tabriibayaa.

Dalka ugamaan Tahriibin Shaqo la’aan iyo Dhibaato kale oo i haysata, laakiin waxaa uga Tahriibey Dhibta Booliiska iyo Baadda Joogtada ah ee Direyskii Somaliland la igaga qaado.”
Akhriste Cabdilaahi Maxamed Cige, oo ku geeriyooday Badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga ayaa sheekadan ila wadaagey ka hor intii aanu ka tahriibin Magaalada Hargeysa. Cabdilaahi oo jeclaa inuu shaqeysto maalin kaliyana aan ku fikirin Tahriib waxaa naftiisii uu ku waayay dhibaatadaasi uu kala kulmey ciidankii ay aheyd masuuliyadoodu inay isaga Ilaaliyaan.

Maalin kasta dhibtaasi way haysataa wali ganacsatada yaryar ee Suuqa wax ku iibiya.
Naftiisii wuxuu ku waayay cadho uu ka qaadey kii uu naftiisa ku aaminay.

W/Q: Ilyaas Cabdi Cali
Ilyasdable@gmail.com
Hargeysa Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.