Biixi Iyo Farmaajo Oo Safarro Diblamaasiya U Baxaya

0
1,190 views
Muxuu Salka Ku Haya Muranka Xajka Hargeysa & Muqdisho

Biixi Iyo Farmaajo Oo Safarro Diblamaasiya U Baxaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkiisii u horeeyay ku tagaya Waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo uu marti qaad ka helay. Socdaalka madaxweyne Muuse waxa uu imanaya xilli xukumadda Muqdisho tushuush ku furtay heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ka gaadheen horumarinta dekedda Berbera.

Socdaalka Madaxweyne Muuse waxa ku gadaaman tuhunno siyaasadeed maaddaama mandaqada Geeska Afrika ay hadhaysay arrinta shirkadda Dp World todobaadadii u dambeeyay. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ay dalkooda ka mamnuuceen Dp World oo ka hawlgasha dekedo ku yaalla Puntland iyo Jubaland waxaanay ka cadhoodeen heshiiska dekedda Berbera. Dawladda Jabuuti ayaa Iyana dabayaaqadii bishii hore eriday Dp World iyada oo la rumaysan yahay in ay ka hinaastay horumarinta dekedda Berbera.

Sidoo kale waxa la filaya in todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo socdaal ku taggo Waddanka Qadar. Warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ka faalloonayay socdaal uu Farmaajo ku tagayo Dooxa oo ay ku weheliyaan wasiirro door ah. Socdaalkan ku soo beegmay xilliga kala guurka ah ayay warbaahinta Soomaaliya ku warramaysay in uu suuro gal ka dhigi karo in Farmaajo dhanka Qadar u janjeedhsado kana tanaasulo mawqifkiisa dhexdhexaadnimo ee Khaliijka Carabta.

Dawladdaha Qadar iyo Imaaraadka waxa muddooyinkii u dambeeyay ka dhexeeyay xafiiltan xooggan oo dhanka siyaasadda ah taas oo sababtay in Qadar la gadoomiyo. Khilaafka Carabta ayaa u muuqda mid Geeska Afrika ku soo fiday oo waddamo Afrika ah sida Somaliland iyo Somalia la kala safanayaan labada dhinac.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.