“Beeshayadu Way Ku Dulman Tahay,” Axmed X. Cadami

0
815 views
Cadami Oo La Waydiiyay In Ay Madaxweyne Biixi Is Neceb Yihiin

“Beeshayadu Way Ku Dulman Tahay,” Axmed X. Cadami

Siyaasiga rug caddaaga iyo odayga ah ee Axmed Xaaji Cali Cadami xukumaddii Siilaanyo-na ka ahaa wasiirka gaashaandhigga oo muddo xileedkiisa la dhammaystay ayaa sheegay in gobollada bariga ee uu ka soo jeeda ku dulman yihiin hannaanka saami qaybsiga dawladda ee xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo dhisay.

Mr Cadami oo waraysi siinayay telefishanka Bulsho waxa uu ka digay in qarax ka yimaaddo bulshada bariga iyaga oo ka gadoodsan waxyaabaha ay tabanayaan “Xukumaddii Axmed Maxamed Siilaanyo waxaanu qabnay in aanu ku dulmanayn saami beeleedkii iyo wax alla wixii khayr ah ee dawladda u soo dhacay in aanu ka qatanayn ayaanu aaminsan nahay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cadami.

Waxa uu sheegay in loo sheegay madaxweyne Biixi in aan waxaa hore waxba loogu hayn haddana bog cad loo furayo “Waa loo sheegay oo waxa lagu yidhi waxaa hore waxba kuuguma hayno ee hadda ayaanu bog cusub kuu furayna ee sidii aad adigu ka yeesho ayaa xidhiidhkeenu noqonaya, boggii wali quus maaha oo waa la sugaya oo wax markiiba la bixin karo maaha laakiin, intii hadda dhacday ee wax qaybis ah waxay beeshu tirsanaysa dulmi weyn in ay ku qabto waxbaana ka jira waxaanan anigu aaminsanahay qarax kale inta aanu ka iman in laga wada hadlo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirkii hore ee gaashaandhiga.

Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ee gobollada Sool iyo Sanaag dega ayaa 13% ka ah xukumadda madaxweyne Biixi marka loo eego 87 xil oo uu magacaabay.

Wasiirradii Siilaanyo Cali Sandulle iyo Baashe Cali Jaamac oo gobolka Sool ka soo jeeda ayaa si weyn u dhalliilay maalmihii la soo dhaafay xukumadda madaxweyne Muuse waxaanay u muuqata in duufaanno kaga imanaya Kulmiyihii hore ku istaadhmayaan madaxweyne Biixi oo aan aad cagaha dhulka ugu hayn, islamarkaana wax kasta oo uu dareemo kala tashada shir guddoonka baarlamaanka iyo hoggaanka mucaaradka sida siyaasaddiisa laga dheehday rubuc sannad uu xilka hayay.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.