BBC Oo Ka Faallootay Suurto Galnimada In Khilaafka Khaliijku Citiraaf U Horseedo Somaliland

0
1,243 views
BBC Oo Ka Faallootay Suurto Galnimada In Khilaafka Khaliijku Citiraaf U Horseedo Somaliland

BBC Oo Ka Faallootay Suurto Galnimada In Khilaafka Khaliijku Citiraaf U Horseedo Somaliland

Qaybta Ingiriisida ee BBC-da ayaa ka faallootay saamaynta loolanka Carabtu ku yeelan karo Geeska Afrika siiba Somaliland iyo Somalia. Tafatiraha BBC-da ee Afrika Mary Harper oo ku xeel dheer arrimaha Soomaalida oo ay muddo dheer ku dhex jirtay kana qortay buug iyo faallooyin ayaa warbixintan soo saartay waxaanu ku sheegtay in ay suuro gal tahay in ay Somaliland iyo Somalia kala taggaan khilaafka Carabta awgeed.

Warbixinta BBC waxa lagu sheegay in ay adag tahay in la rumaysto sida magaalo xeebeedda Berbera oo ahayd meel iska kharaab ah hadda u noqotay xuddunta abuurtay khilaafka weyn ee Somaliland iyo Somalia kaas oo dhereran xulufada Sucuudiga ilaa xulufada Qadar iyo Turkiga. Waxay warbixintan diirrada saartay sida ay suuro gal u tahay Somaliland citiraaf ka hesho xulufadeeda Khaliijka haddii sidani sii socoto.

“Kadib 30 sannadood oo dagaal iyo xasillooni darro ahayd Soomaaliya waa mid si gaar ah u nugul,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta “Soomaaliya waxay noqotay garoon ay ku dheelaan Qadar iyo Turkiga oo dhinac ah iyo Sucuudiga, Imaaraadka iyo xulufadooda oo dhinac ah,” Sidaas waxa yidhi Rashiid Cabdi oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee International Crisis Group.

Waxa uu intaasi ku daray “Shaki kuma jiro in dhinacyadan loolamaya kala daadinayaan Africa, khaasatan Soomaaliya way u nugushahay sababtuna waxa weeye u dhawaan-shaheeda Khaliijka iyo xidhiidhka taariikhiga ah ee ay gobolka la leedahay.

Source:How the crisis in the Gulf could spread to East Africa

Khilaafka hadda ee Somaliland iyo Somalia waxay xudduntiisu tahay labada heshiis ee Somaliland la gashay Imaaraadka ee horumarinta dekedda Berbera ee DP World iyo Saldhigga Militari ee Imaaraadku ka yagleeshay Berbera.

“Inkasta oo aan Somaliland loo aqoonsan dal madax bannaan, haddana waxay u dhaqanta sida dal madax bannaan. Waxay ka xasilloon tahay Somalia oo dhan, waxay leedahay nidaam dhaqaale oo shaqaynaya, dawladdeedii, nidaam sharci, lacag iyo calan. Awoodda si nabad ah ayaa la iskugu wareejinayay doorashooyin taxane ahaa oo la qabanayay ilaa markii ay madax bannaanida ku dhawaaqday 26 sanno ka hor,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in Soomaaliya u tixgeliso Somaliland in ay tahay qayb dalkeeda ka mid, islamarkaana aanay heshiisyada Imaaraadku socon Karin ogolaansho la’aanta Soomaaliya iyada oo la soo xiganayo go’aankii baarlamaanka iyo weedhihii madaxda Soomaaliya.

“Laakiin, Somaliland iyo DP World waxa ka go’an in ay mashruuca sii wadaan. Kollayba waxay og yihiin in aanay xukumadda Soomaaliya wada gaadhsiisnayn Muqdisho,” Sidaas ayaa warbixinta lagu sheegay.

Warbixinta waxa lagu sheegay in aanay kaliya Somaliland ahayn ta gashay heshiisyo military iyo horumarineed laakiin, maamullada 5-ta ah ee Soomaaliya 3 ka mid ah Imaaraadku kula jiro heshiisyo noocan ah saamayna ku leeyahay xukumadda Muqdisho lafteeda. Sidoo kale saldhigga Turkiga ee Muqdisho iyo dekedda Turkigu maamulo ayaa lagu soo qaaday warbixinta si daaha looga rogo cudur daar la’aanta Soomaaliya ee diidmadeeda mashaariicda Berbera.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here