BBC-da Oo Been Ka Sheegtay Gacan Ku Haynta Tukaraq

0
788 views
BBC-da Oo Been Ka Sheegtay Gacan Ku Haynta Tukaraq

BBC-da Oo Been Ka Sheegtay Gacan Ku Haynta Tukaraq

Hargeysa(Sayruuq) Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa been ka sheegtay cidda gacanta ku haysa degmada Tukaraq ee gobolka Sool oo bilihii u dambeeyay fadhiisin u ahayd Ciidamada Qaranka Somaliland.

Idaacadda oo wariyeyaasheedu falanqayn ka samaynayeen xaaladihii ugu dambeeyay ee degaannada shalay lagu dagaallamay ayaa sheegtay in aanay cidna si buuxda gacanta ugu hayn degmada Tukaraq, xogtaasi oo u muuqata mid been abuur ah.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, wasiirka biyaha, guddoomiyaha wakiillada, taliyaha ciidamada Qaranka iyo wefti kale ayaa maanta bookhday jiida hore ee ciidamada Qaranka Somaliland fadhiyaan oo ah duleedka dhanka Garoowe ee degmada Tukaraq.

Waxa xusid mudan in wariyeyaashu la socdeen weftiga, islamarkaana soo tabiyeen shir jaraa’id oo masuuliyiintu ku qabteen madal lagu soo bandhigayay gaadiid shalay lagala hadhay ciidamada Puntland laakiin, lama oga sababta idaacadda BBC-du arrintaasi beenta uga sheegtay.

Somaliland ayaa marar badan ka cabatay Idaacadda BBC Somali laakiin, waxay u muuqata in aanay waxba ka qaban cabashada dhexdhexaad la’aanta ah ee Somaliland qabto waxaana baraha bulshada lagu arkayay dadka reer Somaliland oo BBC-da ku dhalliilaya warkeeda galabta oo ay ku tilmaameen mid u xaglinaya maamulka Puntland.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.