Basasha Oo Dawo U Ah Cudurka Qaaxada

0
122 views
Hakinta Basasha Dalka Soo Gasha

Basasha Oo Dawo U Ah Cudurka Qaaxada

Nooc ka mid basasha ayaa la ogaaday  in laga sameeyo dawada lagaga hortago cudurka qaaxada, sida lagu sheegay daraasad cusub oo la sameeyay.

Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in maaddooyin ku jira basashan oo lagu magacaabo Persian in ay xitaa gacan ka geysan karto daweynta nooca qaaxada ee adkaysiga u leh dawooyinka.

Balse waxa ay cilmi baadhayaasha sheegeen in ay tahay xili hore , loona baahanyahay tijaabooyin dheeraad ah.

Waxaa cilmi baadhista lagu sameeyay jaamacadaha London iyo University College of London.

Basashan ayaa aad looga isticmaalaa dalka Iran.

Dr Sanjib Bhakta oo hormuud ka ah kooxda cilmi baadhayaasha ayaa yidhi “Inkasta oo uu socdo dadaal caalami ah oo lagaga hortagayo qaaxada, haddana sanadkii 2016-kii waxa uu ku dhacay 10 milyan oo qof, 2 milyan oo ka mid ahna waa ay u geeriyootay”.

.Basasha Oo Dawo U Ah Cudurka Qaaxada

BBCsomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.