Baraha Bulshada Oo Laga Saarayo Waxyaabaha La Dhibsado

0
30 views

Baraha Bulshada Oo Laga Saarayo Waxyaabaha La Dhibsado

Shirkaddaha baraha bulshadu ku xidhiidho(Social Media) ayaa ku tallaabsaday dadaallo muhiim ah, kuwaas oo saddex meelood laba meelood ka saaray waxyaabaha la dhibsaday ee la ogaysiiyay sida hadallada nacaybka keenaya muddo 24 saacdood ah sida uu sheegay Midawga Yurub.

Shirkaddaha Facebook, Twitter, YouTube iyo Microsoft ayaa hoggaaminaya dadaalladan meel caafimaad qabta lagaga dhigayo baraha Internetka ee bulshadu ku kulanto.

Qiimaynta lagu sameeyay arrintan waxa sameeyay hay’addo aan dawli ahayn iyo kuwo dawli ah oo u kuur galay sida ay shirkaddahani wax uga qabtaan arrimaha nacaybka keenaya ee la soo ogaysiiyo in ay wax ka qabtaan. Vera Jourova, oo u hadashay Midawga Yurub ayaa sheegtay in ay waajib tahay in Internet-ku noqdo meel ka bad qabta hadallada sharci darrada ah ee nacayb abuuri kara, waxyaabaha nacaybka keenaya sida arrimo ka dhan ah diimaha iyo cunsuriyadda.

“Tani waxay muujinaysa meesha ay iskaashi xooggan leeyihiin shirkaddaha Teknoolajiyada, Bulshada rayidka ah iyo dawladduhu in laga gaadhayo natiijo, sidoo kalena la ilaalinayo xariyatul qawlka,” Sidaas ayay tidhi Vera Jourova.

Tirada guud ee arrintan ayaa muujinaysa in 70% laga saaro baraha bulshada waxyaabaha nacaybka keenaya ee la ogaysiiyo shirkadaha “ Heerkani si joogto ah ayuu u kordhiyay; iyada oo ka bilaamatay 28% wareeggii u horeeyay 2016, mar labaadkiina 59% May 2017,” Sidaas ayay tidhi Jourova

Source: AA

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.