Baqaha Xisbiga UCID Ka Muujiyey in Xadhig La la Tiigsado Guddoomiyahooda Ma Noqon Doonaa Mid Xukuumaddu Ku Dhiirato Siddii Boqor Buur-madow?

0
743 views
Baqaha Xisbiga UCID Ka Muujiyey in Xadhig La la Tiigsado Guddoomiyahooda Ma Noqon Doonaa Mid Xukuumaddu Ku Dhiirato Siddii Boqor Buur-madow?

Baqaha Xisbiga UCID Ka Muujiyey in Xadhig La la Tiigsado Guddoomiyahooda Ma Noqon Doonaa Mid Xukuumaddu Ku Dhiirato Siddii Boqor Buur-madow?

Guddoomiye Faysal oo Maanta Dalka Ku Soo Laabanaya,Taageerayaal Xamaasad Ku Soo Dhaweynaya, Wejiga Cusub ee Laga Filaayo iyo Xukuumadda oo Weli Daneynaysa Saaxiibtinimadiisa

Hargeysa(Sayruuq):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta gelinka dambe ku soo guryo noqonaaya dalka ka dib markii uu muddooyinkii dambe socdaal hadalo badani ka dhasheen ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana beri dalka ku soo dhaweyn doona taageerayaal baaxad weyn oo ka tirsan Xisbigaasi.

Imitaanka guddoomiye Faysal ee maanta, ayaa sida Xisbiga UCID xaqiijiyey waxa ay shacabka Somaliland ka baqo qabaan in Xukuumaddu xidheyso guddoomiye Faysal ka dib markii uu dhawaan la soo kulmey Madaxweynaha dawladda Faderaalka Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla mar ahaantaana ay Xukuumaddu aad u dhibsatay.

Siyaasi Cabdiqani Ibraahim Salaf oo ka tirsan saraakiisha sar-sare ee Xisbiga UCID oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan qabaan baqaha sheegaya in Xukuumaddu ay xidheyso guddoomiye Faysal, waxaana uu carabka ku dhuftay in haddii la xidho guddoomiye Faysal ay diyaarsadeen wixii ay kaga jawaabi lahaayeen.

“Hadalkaas waanu maqleynay oo dhux-dhuxdaasi magaalada ayey ku jirtaa se anagu run iyo been labada ba waanu u qaadan karnaa, haddii ay run tahay oo Muuse Biixi uu xidho Faysal na waanu haynaa qorshahii aanu kaga jawaabeynay haddii ay been noqotana qorshaheeda waanu haynaa, cid xidhi kartaana ma jirto . Faysal na waa nin Muuse kaga saameyn badan Somaliland oo tiisii u dayacay siddii qarankani u horumari lahaa.”.Ayuu yidhi Cabdiqani Salef

Dhinaca kale wararka soo gaadhaya Wargeyska Waaberi, ayaa sheegaya in guddoomiye Faysal uu maanta soo bandhigi doono weji siyaasaddeed oo ka duwan kii hore isla mar ahaantaana uu bilaabi doono mucaaradad adag oo uu kaga soo horjeesan doono Xukuumadda Somaliland. Hadalkiisa ayaa si weyn indhaha loogu hayaa iyada oo la filayo in uu jawaab ka bixiyo hadalkii madaxweyne Biixi ku sheegay in uu la kulankiisa Farmaajo amakaag ka qaaday taas oo Eng Faysal diiday in uu kaga jawaabo intii uu joogay Imaaraadka oo saxaafaddu la xidhiidhay. Waxa kale oo la filaya in uu caddeeyo ujeedka uu ula Kulmay Farmaajo iyo waxyaabaha uu kala hadlay.

Wararka kale, ayaa iyagu na sheegaya in Xukuumaddu ay aad u daneynayso saaxiibtinimada guddoomiye Faysal isla mar ahaantaana ay midho-dhali waayeen siyaasiyiin isku dayey in ay ka odeyeeyaan khilaafka u bilaabmay guddoomiyaha UCID iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Ugu dambeyntii, arrinta is-weydiinta mudan waxa ay tahay Xukuumadda Somaliland ma kuu dhiiran doontaa in siddii boqor Buur-madow ay xabsiga u taxaabto guddoomiyaha Xisbiga UCID.?

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.