Bangiga Adduunka Oo Ka Digay ‘Dhibaatooyinka Waxbarashada’ ee Waxbarashada Caalamiga Ah.

0
32 views

Washington(Sayruuq)- Banigiga aduunka ayaa warsaxafadeed uu soo saaaray Maanta(shalay) ku sheegay in dunida saddexaad  ay soo wajahday “dhibaato waxbarasho” oo laxaad leh  taas ay dadka danyarta ahi lafjab ku noqonaysa hadaan wax laga qaban .

Banigaga ayaa warsaxafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhsiiyey shabkadda wararka ee Sayruuq.com ku soo qaatay in maalaayiin araday ah oo oo ka soo jeeda dowladaha saddexad ama dakhliga hoose ay soo galaan dadkiisa ay ku soo food leeyihiin lumista fursada badan oo ay noloshadooda kor ugu qaadi lahaayen ,islamarkaana mustqbalkooda nololeedana guuldarooyin ay ka soo wajihi doonan taas oo ay u sibirsaareen fishilka waxbarashada ee  dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare oo aan lagu siin waxbarasho tayo leh oo u horseeda in ay ku guulaystaan nolosha.

Warbixinta horumarinta caalamka ee 2018 :oo halku dhig  u ahaa waxbaro si loo gaadho kaalinta lagaa sugayo waxbarshada ayaa u muuqata mid bare la`aan ah taasina waxay keenaysa in waxbrashadu fashilanto lagana waayo balanqaadki laga sugayay ee dabar jarista faqriga iyo abuurista fursado keena daryeelka iyo barwaaqada dhamaan.iyadoo sanadda badan aad waxbaranaysay ,hadana malaayin ardayda dhalaani ahi ma akhriyi karaan waxana ma qori karaan amaba ma sameyn karaan ka shqeynta xisbaadka hoose . dhibaatan waxbarahada ayaa halkii ay isku soo dhaweyn lahayd dabaqadda bulshada keenaysay in la sii kala fogaado .cidda kaliya ee arrintan waxyeeladeedu qaadanaya waa ardayda u

Ardayda da’da yar ee horeyba uga liita saboolnimada, iskahorimaadka “colaadda”, jinsiga ama curyaanka ah ayaa waxay ku waynaan doonan  iyaga oo aan laheyn xitaa xirfadaha nololeed ee asaasiga ah.

Guddomiyaha Bangiga Addunka Mr Jim Yong Kim mar uu arrintaasi ka faaloonayay ayaa  waxa uu sheegay in ay Dhibaatadda waxbarashada ku saleedahay oo ay sababeen dhibaato dhaqaale iyo mid akhlaaqeed ba ,  waxaanu yidhi “Waxbarashadu ardayga waxay u  diyaarasa marka uu  natiijo fiican keeno,isago helaya shaqo wanaagsan iyo mushar ladan iyo caafimaad wanaagsan,nolol faqiirnimo ka dheertahay. Halka bulshooyinka maxliga ahi ay  dhiirgaliyaan waxbrashada ,halabuurinimada ,waxaanay ka caawiyaan  xarumaha waxbrashada iyago sido kalena xoojiya isku tiirsanaanada iyo midnimada bulshadda .hase ahaat manfacaasi waxaa uu istaaga markay timaado waxbrashada oo dugsigii laga war hayen waayo taasina waa fursad la lumiyey.intaa waxaba ka sii datan inay arrintan ka dhigantahay dulmi weyn oo lagula kacay caruurta ka soo  jeeda bulshadaasi ku fashilantay waxbrashau waxay u baahinyihiin in la hirgaliyo arrintaasina iyaga ayaa cid kaste uga baahin badan in waxbrasho wanaagsan oo keenta nolol wanaagsan .”

Warbixnta bangiga Addunka ayaa soo jeedisay in talaabo wax kuool ah lagu sameeyo siyaasada  lagu taakuleyn lahaa dunnida sadexaad ee dhibaata waxbarashadu ka taagnatahy .iyadoo la sameynaayo ka taageeriadda qiimeynta waxbarashada ,iyo in la isticmaalo daliilo qaababaka lagu guulaysto iyo kuwa lagu guuldarayso si looga dheeraado hababka waxbarashada taydeeda hoos u dhigaaya .

 

Sayruuq.com Hargeysa Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here