Baasaaboorkii Soomaaliga Oo Khubaro Reer Yurub Ah Qiimeyn Ku Sameyn doonaan .

0
60 views

Muqdisho(Sayruuq)-Khubaro reer Yurub ah ayaa la filayaa in ay dhawaan iman doonan soomaaliya kuwaas sida u sheegay Agaasimaha Guud ee Hay`adda  socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Md Axamed Aadan Jimcaale In ay qiimeyn ku sameyn doonaan habka bixinta baasaaboorka Soomaaliga .

Mr Koofi ayaa sheegay in ujeedada socdaalka khubrada reer Yurub ee imanaya daarantahay in ay arkaan habka loo bixiyo Baasaaboorka Soomaaliga iyo wadada kala duwan ee loo maro qaadashadiisa.

Isagoo sheegay in ay jiraan dalal badan oo su`aalo ka keenay qaabka lagu bixiyo Baasaboorka ,imaatinkoodana ay jawaab waafi ah ugu helidoonana jawaabta saxadda ah ,waakan agaasiamaha oo arintaasi sharaxayaa waxaa uu yidhi “Madaama aan dalalkooda ugu tagnay una soo sharaxnay Baasaboorka Soomaliga ah iyo habka loo qaato  ,iyaguna waxay ay arki doonaan arintaas iyada ah ,sidaa ayeeyna u imanayaan .”

Geesta kale waxaa uu carabaabay Mr Koofi in dadaal dheeri ah ay ku bixinayaan in la yareeyo cabashada ka imayansa shacabka ee la xidhiidha qaadashada Baasaboorka.waxaanu sido kale tilmaamay in hada muwaadin kasta uu si dhaqsa ah ku heli doono dal ku galka soomaaliya.

Sayruuq.com

Sayruuqnews@gmail.com

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here