Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dalkooda Ka Mamnuucay DP World

0
690 views
Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dalkooda Ka Mamnuucay DP World

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dalkooda Ka Mamnuucay DP World

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhigooda maanta waxay isku raaceen in shirkadda Dp World laga saaro Soomaaliya. 170 mudane oo fadhiga ka qayb galay ayaa cod u qaaday qaraar lagu sheegay dhawrista gobanimada gayiga Soomaaliya waxaana ansixiyay 168 mudane.

Shirkadda Dp World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa maamusha dekedaha Boosaaso ee maamulka Puntland ka arrimiyo iyo Kismaayo ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale waxay maamusha dekedda Berbera ee Somaliland.

Cadhada baarlamaanka Soomaaliya kula dhacay DP World waxay ka dhalatay heshiiska horumarinta dekedda Berbera ee dhexmaray dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka. Madaxweynaha Somaliland ayaa si cadho leh shalay u sheegay in ay Berbera timaaddo cidda hor istaagaysa Dp World waxaana la rumaysan yahay in aanu baarlamaanka Soomaaliya wax saamayn ah ku yeelan maaddaama Khayre iyo Farmaajo oo hore uga hadlayba wax saamayn ah ku yeelan.

Sidoo kale lama oga in go’aanka baarlamaanku ka dhaqan gali doono dekedaha ay ka taliyaan maamullada ugu tunka weyn maamullada Soomaaliya ee Puntland oo uu hoggaamiyo Cabdiwali Gaas oo ah guddoomiyaha maamul gobolleedada iyo Axmed Madoobe oo awood badan. Hore ayay u dhacday in maamuladu is xulufaystaan si ay isaga dhiciyaan xukumadda dhexe, islamarkaana u samaysteen gole ay ku midaysan yihiin maamulladu.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.