Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Kulan Ka Leh Heshiiska Berbera

0
374 views
Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dalkooda Ka Mamnuucay DP World

Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Kulan Ka Leh Heshiiska Berbera

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhigoodii u horeeyay ee kalfadhiga 3-aad maanta yeelanaya kadib markii dorraad madaxweyne Farmaajo furay kulanka labada aqal. Warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa ku warramaysa in xalay xildhibaannada loo diray farriimo xambaarsan fadhiga maanta iyo ajandihiisa.

Kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in qayb ahaan uu ku saabsanaan doono heshiiska dhawaan dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka oo ku heshiiyay in ay dekedda Berbera u wada yeeshaan saami ah 30%, 19% iyo 51% sida ay isugu xigaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isal wasaarihiisa Khayre ayaa si adag uga horyimid heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera waxaana laga yaaba in baarlamaanka Somalia sii xoojiyo go’aankaasi hase ahaatee lama oga saamaynta uu ku yeelan doono heshiiska maaddaama baarlamaanka Somaliland ansixiyay heshiiska.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here