Baarlamaanka Itoobiya Oo U Fadhiya Dhaarinta Dr Abiy

0
436 views
Baarlamaanka Itoobiya Oo U Fadhiya Dhaarinta Dr Abiy

Baarlamaanka Itoobiya Oo U Fadhiya Dhaarinta Dr Abiy

Baarlamaanka dawladda Federalka ah ee Itoobiya ayaa u fadhiya dhaarinta ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali oo dhawaan uu doortay golaha dhexe ee xisbiga isbahaysiga EPRDF ee hoggaamiya dalkaasi. Hailemariam Desalegn ayaa iscasilay 15 February culaysyo kaga yimid rabshadaha Oromada ee saluugsan saami qaybsiga dalka taas oo horseeday doorashada hoggaamiyaha Oromada ka soo jeeda.

Dr Abiy Axmed oo maanta lagu wareejinayo talada Itoobiya waa nin si weyn loo ammaanay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, islamarkaana laga filayo in uu jidka ku soo celiyo Itoobiya oo ay gilgileen mudaharaado salka ku haya cabasho ku saabsan saami qaybsiga kuraasta iyo khayraadka dalka kuwaas oo curyaamiyay habsami u socodka nolosha iyo ganacsiga dalka

 

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here