Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Ka Qayb Galka Shirkii Brusels Ee Eng Faysal

0
370 views
Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Ka Qayb Galka Shirkii Brusels Ee Eng Faysal

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Ka Qayb Galka Shirkii Brusels Ee Eng Faysal

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, Shirkii Brussles, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Saami qaybsiga wakiilada, Shirka Ceel-afweyn iyo qodobo kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa wuxuu wareysigu u dhacay sidan

Sidee ayaad u aragtaa Shirkii Brussles ee Somaliya loo qabtay iyo qaadacada ay Somaliland qaadacday ka qayb galkiisa?

Shirkaas Somaliland mawqifka ay ka qaadatay waa mawqif sax ah, haddii aynu ka qayb gali lahayna Somaliya weynu ku milmi lahayn, oo waxaynu ka mid noqon lahayn maamul goboleedada meesha fadhiya, kuwa hore oo loo qabtayna kimaynu qayb galin, waxan meesha lagu hayaana waxaan qabaa inay yihiin sadaqo iyo yabooh, oo umaddaha Afrika baabisa, umaddahaasna waxa la gudboon inay iyagu wax soo saaran, oo ay tabcaan, maaha inay ku nooladan gacan ajaanabi, inagana waxa inala gudboon inaynaan sugin wax gacan dibadeed ka imanaya, Somaliyana waxay la tagi la’dahay, oo halkaas geeyey haddii ay tahay Ciidamo iyo haddii ay tahay wax walba waa dibadaas laga masruufayo, waxay odhan kari la’yihiin anaga na siiya anagu wax ha aan ku dhisanee, laakiin aasaasiyan haddii aanad adigu marka hore wax qabsan, bariyada aad umadda kale aad maraysaa wey ku dilaysaa, markaas haddii aynu nahay Somaliland waxaan leeyahay ha laga maarmo gacan ajaanib, sababtoo ah dadka ayey lumisaa, oo wax soo saarkiisa ayey ka jeedisaa, Somaliland inay arinkaas go’aan ka qaadato wey ku haboonayd, Somaliland waxaan ku dhiirigelinayaa, aynu ku dadaalno wax soo saarka, si aynu uga maarano gacan dibadeed, oo ina caawisa, oo inagu aynu isku tashano.

Sidee ayaad u aragtaa ka qayb galka Shirkan Brussles Eng:Faysal Cali Waraabe iyo Prof: Cali Khaliif Galaydh madaama  Xukuumadda Somaliland qaadacday?

Marka xubno inaga midi ahi meel tagayaan, waxa haboon inay ku tagaan talo qaran, oo aan laga bixin khariirada qaranka, si aanay inooga noqon docfaruur qof walba meesha uu doono maro, taasina waa arin iyaga khuseeysa, balse Somaliland anigu waxaan u soo jeedinayaa Axsaabteeda iyo haykalkeeda qaranka ee ka kooban Barlamaan, Garsoor iyo Fulinba, inuu arinkeedu ka fulo meel kaliya, oo aynaan is barbar yaacin.

Madaxweynaha Somaliya wuxuu marar badan ku celiyey inay diyaar u yihiin wada-hadalada Somaliland halka Xukuumadda Somaliland marar badan sheegtay inay diyaar u tahay wada hadalada, balse ay Dawladda Somaliya aanay diyaar u ahayn jawigii lagu wada hadli lahaa, markaas adigu maxaad xal u aragtaa?

Anigu markan waxaan ku talinlahaa inta aan la wada hadal Somaliland qudheedu diyaar ha ahaato, horena waxaan u yidhi todoba xubnood oo Wasiirka Dakhilagu ku jiro ha la sameeyo, arinkana ha la budliyo, oo aad ha looga doodo, oo waxa lagu hadlaayo Somaliya iyo waxa loola tagaayo meel ha la isla sii dhigo, markaas inagoo diyaar u ah wada hadalada aynu galno, oo aynu Somaliya la hadalno, waana lagama maarmaan inuu wada hadaladu bilaawdaan, inkasta oo Somaliya intaas oo faraar leedahay, oo waxa soo baxaaba iska yaraanayo, laakiin marnaba ayaan la ina odhanin Somaliland waa hadal diid iyo xaajo diid.

Waa maxay aragtidaada ku waajahan xiisada  colaadeed ee Somaliland iyo Puntland ee wali taagan?

Haddii lagu dagalaamo xuduud isir Afrika oo dhan baa is dilaysa, haddii aan ka soo qaado Jabuuti, waxay la fal gaasha Itoobiya, waxay la fal gashaa Somaliland, Beelaha Samaroon Itoobiya ayey galaan, oo Jabuuti ayey galaan, Beelaha Dhexe Itoobiya ayey galaan, Beesha Soolna intaas in leeg ayey galaan, Puntland waxay ku dagaalamaysaa xuduud isireed, xuduud isireedna haddii lagu dagaalamayo wax xal ah oo laga gaadhayo ma jiraan, markaas waxaana leeyahay taas ha laga digtoonado, oo caqligu ha shaqeeyo,Somaliyana yaanay is faareerin oo intaas oo farac yeelanin, wax ha la kala yeesho, ama wax ha la wada yeesho, Puntland waa Somaliya, Somaliland xad waxay la leedahay waa Somaliya, xadkii lixdankii ayaana lagu xisaabtamayaa.

Wali arinta saami qaybsigu waa taagantahay, wax saami qaybsiya oo ilaa hadda la sameeyeyna ma jirto, Dastuurkiina lama furin, markaas sidee ayaad xal u aragtaa?

Labada Gole, markii hore waxay ku fadhiyeen qaab qabiil, waxaana ay ku fadhiyeen axdi qarameedkii lagu heshiiyey, inkasta oo 1997 la sameeyey Dastuur ku meel gaadh ah, haddana waxa lagu fadhiyey qaab qabiil, 2001, markii la ansixiyey Dastuurka, Somaliland waxay isku bedeshay qaab  xisbiyeed,oo tartan la isku muquuniyo, tartankaas waxa laga reebay labada Gole, Golaha Guurtida waxa la yidhi ha ka muuqdaan cid waliba, oo yaan la is muquunin, oo Doorasho dadban ha lagu galo, Doorashada Wakiiladana waxa la is weydiiyey 1960 maxaynu lahayn, waxaynu lahayn afar degmo, oo min shan xubnood lahaa, Burco oo shan lahayd, iyo Hargeysa oo lix lahayd, dabadeed waxa la yidhi is bedel baa dhacee, sidee ayaa loo qaybinayaa, 2.5% ayaa lagu dhuftay, halkaas ayey timid, Gobolka Awdal wuxuu la mid ahaa shanti Gobol ee min 12 xubnood lahaa, marka iyaga hal baa loo kordhiyey, markaas maanta Goluhu wuxuu ka fadhiyaa 33 -kii 1960, markaas maanta haddii la doonayo in wax dib loo unko, waa in Dastuurka la furo, haddii Dastuurka la furana, wakhti buu qaadanayaa, wakhtigaas uu qaatana Doorashooyinkii baa soo galayaa, wakhtiguna cidhiidhi buu noqonayaa, markii Dastuurka loo codaynaayay ee aanu lahayn yaan 82 xubnood lagu qorin, ee ka daaya, raggii diiday ayaa maanta qaylinayaa, haddii xeer lagu qori lahaa, maanta xeerka ayuun baa laga doodi lahaa, oo wixii la doonayo ayaa la kordhin lahaa, maalintaas xubnihii ku fadhiyey Kurasta Golaha, ayaa jabiyey, waxayna moodaayeen inay sidaas uga fadhiyayaan, wali waxaan xasuusnay oo 50 xubnood ayaa u coddeyey, shan xubnood anaga oo ahna waxaanu u coddeynay ha laga soo saaro Dastuurka, oo xeer ha laga dhigo, maalintaas bay ugu dhawayd, maantana xalka ugu dhaw ee la gaadhi karaa waa Dastuurka oo la furo.

Kootada uu Madaxweynuhu u qoondeeyey in golaha laga siiyo haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, miyaanay iyaguna ku xidhnayn in dastuurka la furo?

marka Dastuurka la furo, ayaa wixii kooto ah ee la siinayo ay la jaanqaadayaan, cod baa la isku muquuniyaa, codna kooto ma leh, Madaxweynuhu Xisbiyada ma xukumo, Xisbiguna cida uu doono ayuu keenaya, Dastuur kooto qorayaana ma jiro, Xisbi kastaana haddii uu rag wada keenayo iyo haddii uu dumar wada keenayaba isaga ayey u taala.

Ka waran shirkan Ceel-afweyn ee aad ku biirtay ergooyinka dhex-dhexaadinaya beelaha walaalaha ah?

Aniga iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Shirkii waanu tagnay, waxaanu u tagnay in aanu xoojino, oo ay ogaadan in Somaliland ka go’an tahay in arinkaasi soo afjarmo, waxaana la dabaqayaa Suuratul Xujaraad ayaadaha sagaalad iyo tobanaad, oo ILLAAHAY wuxuu yidhi haddii laba muslimiin ahi is dilaan heshiisaya, haddii ay midi diido gacan ha la saaro, ilaa inta ay u soo noqonayso amarka ILLAAHAY, markaas in nabarkan la soo afmeero, oo la daweeyo ayaanu rabnaa, insha allaahna waxaan rajaynayaa in beelaha walaalaha ee is dhalay in heshiis waara ku wada nooladan.

Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.