Aw hebeloow ha is qoyn!! Axmed Nuur Guruuje

0
146
Aw hebeloow ha is qoyn!! Axmed Nuur Guruuje

Aw hebeloow ha is qoyn!! Axmed Nuur Guruuje

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beribaa waxaa la yidhi qoys reer miyi ah ayaa damcay in uu ducaysto , dabeeto wadaad reeraha u akhriya mawliidka ayay dooneen in uu reerka munaaqibka u akhriyo , ka dibna wadaadkii bay cid u direen , hadii la tagay rugtii wadaadkana waxaa loo sheegay inuu safar ku maqan yahay oo aanu joogin .

Reerkii hadii lagu soo noqdayna waxaa loo sheegay in wadaadkii maqan yahay ,ka ka dibna wadaad kale ayay doonteen , wadaaudkii cusbaa ee loo yeedhayna wuu yimi .

Markii xoolihii la qalay , wadaadkiina kutubtii furtay , ayuu wadaadki damcay in uu salaad u waysaysto , isagoo waysadii diyaarsanaya ayaana wadaadkii reeraha mawliidka u akhriyi jirey la arkay isagoo soo socda , oo i ntuu warkii gaadhay soo diyaar garoobay .

Reerka iyo wadaadku ilayn xidhiidh bay lahaayeene socodkiisa way ku farxeen , in wadaadkii cusbaa ee loo yeedhay ay iska fasaxaana way goosteen , laakiin waxaa ku adkaatay sidii loogu sheegi lahaa , dabeeto nin reerka martidiisa ka mid ahaa baa yidhi anaa u sheegayee igu daaya markaasuu intuu wadaadkii oo waysadii bilaabaya u tagay ku yidhi aw hebeloow wadaadkii reerka mawliidka u akhriyi jirey baa yimiye ha is qoyn , aw hebeloow ha is qoyn .

imika waa halkaase , maxamuud xaashi oo baryahan lalahaa waxbuu doonayaa , waxaynu leenahay , aw hebeloow ha is aqoon meeshu way daymaysan tahaye .
W/Q Axmed Nuur Guruuje

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.