AU & IGAD Oo Lagu Boorriyay In Ay Dhexdhexaadiyaan Somaliland & Somalia

0
708 views
AU & IGAD Oo Lagu Boorriyay In Ay Dhexdhexaadiyaan Somaliland & Somalia

AU & IGAD Oo Lagu Boorriyay In Ay Dhexdhexaadiyaan Somaliland & Somalia

Golaha daraasaadka nabadda ee ISS oo fadhigiisu yahay Addis Ababa ayaa warbixin ka soo saaray xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Somalia ee ka dhalatay heshiiska dekedda Berbera ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya. Golahan oo dhanka ammaanka ka taageera Midawga Afrika wuxuu sheegay in xiisadda ka dhalatay heshiisku gilgishay xasilloonida gobolkan ee nugul.

Waxa warbixinta lagu sheegay in ay haboon tahay in Midawga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ay door muhiim ah ka ciyaaran isu duwidda danaha caalamku gobolkan nugul ka leeyahay, islamarkaana dhexdhexaadiyaan Somaliland iyo Somalia. Waxa loogu baaqay AU iyo IGAD in ay labada dhinac ku riixaan wada xaajood si looga baaqsado isku dhacyo dagaal.

Warbixinta ayaa lagaga hadlay xiisadda dhexmartay Imaaraadka iyo Soomaaliya oo daba socotay heshiiska dekedda Berbera iyo dhexdhexaadnimada Soomaaliya ee xiisadda Qadar iyo Xulufada Sucuudiga waxaana la sheegay in ay soo kabashada Soomaaliya wax yeelayso.

Waxa warbixinta lagu soo qaaday in mamnuucidii DP World galaafatay guddoomiyihii golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Jawaari, sidoo kalena hadda badiba maamul goboleedyada Soomaaliya ka soo horjeedaan xukumadda Farmaajo lana safteen xulufada Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Source:UAE port deal with Somaliland stirs up trouble in the Horn

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.