Askari Ka Soo Goostay Puntland Si Heer Sare Ah Loo Maamuusay

0
599 views
Puntland Oo Toogasho Ku Xukuntay Askari Hargeysa Jooga

Askari Ka Soo Goostay Puntland Si Heer Sare Ah Loo Maamuusay

Taliska ciidamada Qaranka Somaliland iyo wasiirka gaashaandhigga ayaa maamuus sare ku qaabilay askari ka soo goostay maamulka Puntland oo ka soo jeeda Somaliland. Askariga ayaa gaadhi ciidan oo qoryo saaran yihiin kala soo goostay ciidamada Puntland waxaana la siiyay darajo sare.

Maxamed Maxamuud Yuusuf oo la siiyay darajada Kabtan horena Puntland uga ahaa laba xidig leh ayaa loo qabtay munaasibad lagu qabtay xarunta taliska ciidamada qaranka ee Hargeysa oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiisha ugu saraysa ciidanka qaranka iyo wasaaradda gaashaandhigga.

“Ninkan waa nin reer Somaliland ah, laba xidigle ayuu ka ahaan jiray ciidanka Puntland, imbadan buu inaga soo horjeeday isaga oo Somaliland u dhashay haddana qofba mar uun buu soo hanuuna. Wuxuu noo yimid isaga oo waddankiisii si sharaf leh oo wanaagsan ugu soo noqday sidaas awgeed wasiir munaasibadan waxaad ku guddoonsiin darajadii loo gartay,” Sidaas ayuu yidhi taliyaha ciidanka Qaranka.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa Kabtan Maxamed Maxamuud Yuusuf u sheegay in ciidiisii uu joogo, islamarkaana aanay jirin cid kale laguna abaal marin doono shaqooyinkiisa ciidan. Waxa uu askarta kale ee halkii uu ka yimid joogta u sheegay in ay ku tusaale qaatan sida loo maamuusay saaxiibkood.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.