Ardaygii Madaxweynihiisii Qashifey

0
581 views
Xeer laga qariyey Guurtidda oo loo gudbiyey madaxtooyada iyo doodda ka dhashay.

Ardaygii Madaxweynihiisii Qashifey
By: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

Jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed ee Lafoole ayaa waxa yimid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare, waxa uu dhallinyaradii aqoonyahanka ahaa u jeediyey khudbad uu ku dhiirigalinayo wax soo saarka iyo in isku filnaashiyo la gaadho oo dadku jeclaadaan cuntada dalkoodda laga soo saaro.
Waxay ahayd khudbad nolosha dhabta ah ka turjumaysa oo ardayda ka qiireysiisay, waxaanu sheegaa in aanu cunto aan cuntada dalka ahayn aanu cunin, oo xiitaa sigaarka oo uu aad u jeclaa uu isticmaalo ama uu cabo sigaarka dalka laga soo saaro.
Siyaad Bare inta uu hadlayo kolba midh buu kala soo baxaya Baakidhka sigaarka, haseyeeshee Arday ka mid ah ardaydii uu la hadlayey ayaa u fiirsanaya sigaarka uu cabayo markaasu sigaarkii uu dhameeyey xabad ka xaday waxa uu arkay in baakidhku yahay kii dalka lagu sameeyey, balse sigaarka ku jiraa uu yahay kii dibadda gaar ahaan noocii la odhan jirey Bensalka, inkastoo dalka waagaasi laga mamnuucay in sigaar dibada ka yimaado, nasiib daro isaga kaligii baa dibadda looga keenni jirey.
Markii uu dhameeyey khudbadii oo ardaydiina u bogeen khudbadiisa ayaa mid ka mid ah ardaydii waydiiyeen madaxweynaha Su’aal, waxaanu yidhi “mudane madaxweyne waa run in waxa dalkeena ka soo baxa la cuno oo wax soo saarka la kordhiyo, waana kugu taageersanahay, laakiin madaxweyne Sigaarka aad cabaysa Baakidhka uun baa Ubax ah (sigaarkii Soomaaliya soo saari jirtay baa la odhan jirey Ubax) laakiin sigaarka ku jira waa Beensal”.
Siyaad Bare nin caqli badan buu ahaayoo muu murmin mana jikaarin ardaygii ee si xirfadaysan buu uga baxay, waxaanu yidhi “Wax kasta oo la idin sheego waa inaydaan qaadan inaad aqoonyahan tiina taas ayaa cadaynaysa aqoonyahanku waa kii wax walba baadha oo wax kastaba run moodin, waa inaad mar walba dabagal iyo baadhitaan ku samaysaan wax kasta oo la idiin sheego, waxaan baadhayey in aqoonyana dhab ah tihiin iyo kale, waan ogaaday inaad aqoonyahan tihiin oo aad waxbarateen ”
Hore loo yidhi wax kasta run moodaa rag ugu liita, wax kasta oo siyaasigu ku sheega run maaha ee wax badan oo uu qarinaya ka jira, sidaas darteed, waa inaad waxaad maqasho suurtogalnimada ay sidaas ku noqonayso qiimaysa oo maskaxda ku xisaabisaa.
Maalintii dhowayd ee la inqilaabay Cabdi Iley waxa warbaahinta loo sheegay inuu si xor ah uu isku casilay oo uu gudoomiyenimadii xisbiga ku hadhay, dadkii oo dhami way wada aamineen hadalkaasi ah inuu is casilay , qofna isma waydiin hadii uu si xor ah isku casilay inta uu shirka yimaado ayuu shirgudoomin lahaa oo telefishankiisa laga sii deyn lahaa, balse nin xabsi ku jira oo xidhan oo garab ka mid ah xisbigiisii lagu amrey inay shir degdeg ah qabsadaan oo qof doortaan si aan kala guurka looga faaa’iidaysan oo la arko inuu nidaam jiro oo kala dambeyntii deegaanka lagu soo celiyo ayaa xukuumadda dhexe ee Itoobiya u dhigtay warka ay faafinayso si aanay dadku u kicin, sidaa darteed,siday doonayeena bay u dhacdey hawshu.
Si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo lagu sheego run ma wada noqdee dabagal ku same.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.