Arday Su’aalaha Imtixaanka Loogu Daray Magacyada Macallimiintooda

0
34 views

Arday Su’aalaha Imtixaanka Loogu Daray Magacyada Macallimiintooda

Koolaj ku yaala dalka Shiinaha ayaa su’aalaha imtixaamka guud kusoo daray su’aal la xidhiidha magacyada macalimiinta iskuulka, iyada oo ardayda loo daabacay sawirrada macalimiinta, lagana doonayo in ay qoraan magaca macalin kasta oo sawirka ka muuqda.

Sida uu qorey wargeyska China Youth Daily, ardayga qori waaya magaca macalimiinta ayaa la sheegay in aanu heli doonin wax buundooyin dheeraad ah.

Waxaase ka sii daran ardayda qalda magacyada oo laga jari doono 41 buundo, iyada oo buundooyinka lagu helayo haddii uu qofku saxo magacyada ay yihiin boqolkiiba 30% ee guud ahaan buundooyinka lagu saxayo imtixaanka.

Macalin lagu magacaabo Hu Teng ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa in la qiimeeyo aragtida ay ardayda ka qabaan guud ahaan waxbarashada, iyo in ay aad ugu dadaalayeen ogaanshaha wax kasta oo fasalka ka socda.

“Haddii ay xusuusan waayaan magacyada macalimiintooda, waxaa markaas cad in aanay wax xiisa u heynin manhajka” ayuu yidhi macalinkan.

Dadka qaar isticmaala baraha bulshada ayaa dhaleeceeyay arrintan, halka kuwa kale ay ku tilmaameen in xusuusashada magacyada qofka ay tahay xushmadda asaasiga ah ee qofkasta laga doonayo.

Dalka shiinaha waxaa aad ugu badan ardayda gooba fasalada, iyada oo jaamacadaha qaar ay hadda soo rogeen qalab wajiga ardayga lagu aqoonsado, laguna xaadiriyo.

BBCSomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.