Aragtidayda iyo Eedihii Macallin Beddel U Jeediyay Wasiir Guri-barwaaqo!

0
1,352 views
Aragtidayda iyo Eedihii Macallin Beddel U Jeediyay Wasiir Guri-barwaaqo!

Aragtidayda iyo Eedihii Macallin Beddel U Jeediyay Wasiir Guri-barwaaqo!

Waxay ahayd maalin Isniin ah, 4tii Maarj 2018ka markii aan warbaahinta ku arkay Macallin Maxamed Axmed Beddel oo eedo horleh ku miisaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Soomaaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo). Aniga oo aqoon weyn oo gun dheer u leh labadoodaba, waxa aan isku deyi doonaa in aan karaankay ka falceliyo dhaliilihii Macallin Beddel jeediyay, waxa aan ka ogahay arrimaha muranka dhaliyay iyo tilmaamo ku saabsan labada qof ee midkood uu weerarka ku yahay midka kale.Aragtidayda iyo Eedihii Macallin Beddel U Jeediyay Wasiir Guri-barwaaqo!
Waa markii kowaad ee la arko aniga oo qof u jawaabaya, waxaana la odhan jiray
“Nin yar oo nin weyn dilay maaragteen”.. Imaka waxa socota “Ku yar oo ku weyn raba ma aragteen”. Abwaan Siciid Ibraahin Dool (Gurey) Isaga oo u caqli-celinaya hal-abuur dhallinyaro ah oo ka jawaabay maanso uu abwaan da’ weyni curiyay, waxa uu yidhi:

“Legdin inan yar baad tee
Haysla tuurin odayada”

Mar haddii uu Maxamed Axmed Beddel ka xishoon waayay toddobaatan jir, aniguna afka ayaan furanayaa. Armuu aammusku u roonaa saaxiibkeey? Waxa la yidhi “Nin durbaan qaatay, ilaaq dalbay”. Gaarriye wuxuu yidhi
“Nin iinlaw daa gujada”

Waxa aan kala reebayaa Macallinkaygii Afka, dhaqanka iyo Suugaanta bare sare Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo ah aqoonyahan weyn iyo Maxamed Axmed Beddel oo aan illaa ardaynimadiisii garanayo. Ma aha laba ruux oo murma, laakiin nabadgelyada Somaliland ayaa isku keentay. Warcelintu ma aha mid la iga codsaday, la ii bandhigay ama la igu dirqiyay. Waa mid ka soo goday damiirkayga.

Ujeeddada ugu weyn ee uu Beddel u hadlay waxa aan u arkay in uu ka cabanayo shaqo uu Wasiir Guri-barwaaqo ka eryay. Waxa aan faallada ku bilaabi doonaa Beddel ma yahay qof ku habboon in uu shaqadaas qabto ama uu noqdo bare wax ka dhiga jaamacad kala-dambayn leh?.

Macallin Beddel: Xilligii Aan Bartay iyo Heerkiisa Aqooneed
Inta aanan ubucda dooddayda gelin, waxa aan iftiimin kooban ku samayn doonaa “Waa Kuma Macallin Maxamed Axmed Xaaji Maxamuud Sharmaarke oo caan ku ah Maxamed Axmed-Beddel?”

Maxamed Axmed Beddel waa qof aqoon u leh suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaalida. Waxa keliya ee gankii ka reebayaana waa in aanu haysannin shahaado heer jaamacadeed ah. Waxa uu macallin ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Ilays, Fuyuujar, Jasiira, Faarax Oomaar iyo Gacan-libaax oo ku yaalla Hargeysa. Waxa sidoo kale bare ka noqday Jaamacadaha Hargeysa iyo Beder, waa qoraa soo saaray dhigane yar oo xilli-tirsiga iyo xiddigiska Soomaalida ku saabsan, kana mid ah qoreyaasha manhajka dugsiyada sare ee Somaliland ee la daabacay 2016ka.

Walaw uu Beddel ka baxay dugsi sare, ma qori karo kumana hadli karo mana fahmi karo Ingiriisi iyo Carabi midna, oo ah afafka jaamacadaha wax lagaga dhigo. Sidaas ayuu u seegay in uu jaamacad galo.

Beddel waxa aan bartay oo aanan marnaba been ka sheegeynin, cidina iiga sheekeyneynin 2002da oo aan ka soo wareegay dugsiga sare ee Gacanlibaax, fasalka 1E aniga oo u wareegey dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo uu arday ka ahaa Maxamed Beddel ayaa la i qoray. Waxa uu ii sheegtay nin belo ka dhacday oo dugsigiisii dhexe ee Rabaso kaalmo sare geli jiray, sidiina way noqon weyday. Imtixaankii 2004-2005ta ee gunaanadka dugsiga sare oo ay Wasaaradda Waxbarashadu naga qaadday waxa uu 6 maaddo keenay E, afarna D. Wuxuu ka mid ahaa ardayda naga hadhay (dhacay) ee dhibcaha ugu hooseeya urursaday.

Sannadkii dambe (2005-2006) ayuu dugsiga sare ee 26ka Juun imtixaanka ka galay dugsiga sare oo uu C ku gudbay. Maalintaas uu June ka socday anigu macallin baan ahaa waxaanan fasalka Beddel ilaalilanay maaddada Diinta. Wuxuu caayay madaxda xafiiska imtixaanaadka “Daa’uud Gadhweyne waa tuug, muxuu la dhuuntaa?” ayuu lahaa. Waxaanu durayay Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, oo kormeer ku marayayay Iskuulka Sheekh Bashiir oo imtixaanku ka socday. Haddii uu dhacay miyuu naftiisa eersado?

Beddel iyo Jararka Aqoondarradu Ka Ridday
Isla 2006da ayuu doonay in uu suugaanta ka dhigo ADMAS. Arday aanu isku fasal ahayn oo toddoba maaddo ku gudbay heerka “A” ayaa yidhi “Maxamed lodkaygii buu ahaa. Wuu naga dhacay. Sidee ayuu waxnoogu dhigi karaa”. Sidaas ayaa lagu eryay, oo aanu jaamacaddaasina u calfan, maraggeed iyo markhaatigeedna arrintaasi waa loo hayaa.

Jaamacadda Hargeysa waxa lagu qoray qaraaba-kiil, waxaana shaqaaleyay nin madaxda ka mid ah oo abti u ahaa.

Anigu xilliga aanu imtixaanka dugsiga sare u fadhiisannay, lix maaddo ayaan A ku gudbay, saddexna waxa aan ahaa “B”. Hal maaddo ayaan “E” ku barriiqday, waanan ku faanaa. 2014kii ayaa la doonay in Maxamed Beddel madax iigu noqdo Xarun ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan macallimiinta saxaysa Soomaaliga. Waxa aan idhi “Nin aad ogtihiin in uu lix E keenay, aniga oo Lix A keenay madax iima noqon karo. Shaqadaasna ma gelayo” sidaas ayaan kaga hakaday, oo aanan shaqadaasi u galin oo laygu ogyahay. Qof ahaan waxa aan rumaysanahay in aad eegto heerka aqooneed ee qofka hagaha kuu noqonaya, waanay adagtahay in aad daba-fadhiisto qof aan wax i dhaamin. Hadda Beddel ulama soo bixin shahaadooyinkayga heerka jaamacadda, inta dusgiga sare ayaa ku filan in nala kala garto.

Madaxweyne Siilaanyo

Beddel iyo Guribarwaaqo ayaa lagu daray qorayaasha Manhajka Soomaliland ee dugsiga sare sannadkii 2016ka, gaar ahaanna Afka Soomaaliga. Guribarwaaqo wuu diiday in uu meel la fadhiisto Beddel, waxa uu yidhi “Nin aan heer Jaamacadeed ahayn oo aan Jaamacadda Hargeysaba aqoondarro uga eryay wax lama qorayo” Sidii aan la-shaqayntiisa uga xarragooday ayuu Guribarwaaqana uga han weynaaday. Haddii uu Beddel xusay in shaqo laga eryay, maxaa uu u xusi waayay in Guribarwaaqo qudhiisu uu shaqo qaran u banneeyay Beddel awgii?

Markii Guribarwaaqo ka baxay qoreyaashii dugsiga sare, waa la arki karaa sida uu Beddel u malluuqay buugga Form Fourka oo uu ku daray gabayo aan manhajka ku jirin. Wax muhiimana wuu ka tegay, ma xusin xitaa in Gaarriye daahfuray Miisaanka Maansada. Maxamedow haddii aad cid qabyaalad ku eedaynayso, waan soo faqi karaa naxliga ku huursan. Waan kaaga digayaa in aad wax sii qodqoddo.

Xafiiltanka Maxamed Beddel Ee Hal-abuurka
Beddel ma aha nin wax qiri kara ama hannayn kara. Waa dadka xinka, hinaasaha iyo xafiiltanku madax maro. Saddex gu’ ayaan dhegaysan jiray suugaanta uu Beddel curiyo (2002-2005), markaasna qudhaydu waan curin jiray suugaanta laakiin fagaare kama bandhigi jirin. Waxa naga dhexaysay qaddarin iyo maamuus weyn.

Colaadda aniga iyo Maxamed waxa ay bilaabantay sannadkii 2005ta oo uu Radio Hargeysa ka dhegaystay maanso aan Somaliland u tiriyay “Idaacadda lama tago adiga oo aan suugaan badan curin. Maxay Somaliland cid tartaa, waa kaa Cashuur halkaa gidaarka seexda” ayuu lahaa. Aniguna mabda’ aan aaminsanahay ayaan u doodayay. Waa Alle mahaddii haddii weliba xil looga dhiibay qarankii uu yasayay oo Agaasime-Waaxeed looga magacaabay.

Haddii aan ogaa Beddel oo macallinkaygii Afka Soomaaliga iyo Suugaanta ee Maxamuud Axmed Cali oo la yidhaahdo Maxamuud Axmed Budul (2004-2005) ku yidhaahda “Aqoon ma lihid”. Isaguna odhan jiray “Kaagaas oo kale imtixaanka ma gudbo”, lama yaabayo in uu eedayn u xambaariyo Wasiir Guri-barwaaqo.

Daymada Agaasime-waaxeedka uu Beddel ahaa
Dec 2016ka, kolkii la sameeyay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee uu Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi ama macallinkaygu wasiirka ka ahaa, Waaxdii dhaqanka ee Warfaafintu waxay sii hoos joogtay Wasiir Caddaani, waxaana ka tirsan fannaaniinta qaranka ee waaxdan salka u dhigay. Adigu waxaad agaasime ka ahayd waax keligaa ah. Markaa meel aad raacdaa ma jirto… Waxa aad la duntay xeernidaamiyihii wasaaradaha iyo haayadaha dawladda lagu kooxeeyay. Maye shaqaalaha aad madaxda u ahayd?

Ma Agaasime Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiyare) iyo Agaasime-ku-xigeenkiisa Fannan Maxamed Maxamuud Cige (Busi) ayaad xilka ay illaa 1993kii hayeen ku qabsan doontaa? Ma adiga ayaa leh hoggaamin aad bulsho ku wada waddo. Waxa aan ku leeyahay “banjartaada eryo”.

Laba-canlaynta Shaqaalaha Dawladda Iyo Eedaynta Masuuliyiinta
Ta kale, adiga oo Maxamedow ah macallin ka tirsan Wasaaradda waxbarashada, sidee ayaad wasaarad kale uga noqon kartaa agaasime-waaxeed. Adiga oo shaqaale dawladeed ah waa ceeb in aad masuul dawladeed cambaarayso, waana arrin u taal gefefka sharci ee aad sameysay ciddii kugu abaalmarin lahayd . Teeda kale arrinta yaabka leh ayaa ah inaad meelo badan kaga mushahar qaadato shaqaale, taasi waxa ay caddaysay in aad tahay afar-jeeblayaasha ay baadigoobayso Haayadda Shaqaalaha Dawladdu. Wuxuu yidhi “Ma ninkii aan dayrta u guuri lahaa ayaa like qotay” Waxa aan leeyahay “Ma ninkaagii aan qari lahaa ayaa caroog isku tumay”.

Marka laga yimaaddo labadaas Wasaaradood, waxa uu Beddel isku deyay in uu shaqaale ka noqdo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland sannadkii 2013ka. Waxa uu toddobaadyo tebin jiray barnaamijka fanka iyo suugaanta, waxa shaqadaas laga joojiyay markii uu barnaamikjaas dhalan-rogay ee uu u gudbiyay hannaankii barnaamijka dhaqanka oo isla Raadyow Hargeysa ka baxa. Halkii ay ka ahayd in uu xilliyada qaarkood soo waraysto fannaaniin ama abwaanno ayuu barnaamijkii Fanka iyo suugaanta ka dhigay khudbad uu keligii jeediyo.

Machadka Afafka Ee Gaarriye
Gaarriye waxa uu madax ka ahaa Institute of Somali Studies oo Jaamacadda Hargeysa ku yaallay sida aad doodaha Miisaanka Maansada ee 2008da ka arki kartaan. Aniga ayaa Dr Cabdi Xuseen Aw Gaas u soo jeediyay in machadkaas Gaarriye loogu magac-daro, markaasna waxa aanu Disember 2012ka kaga qayb-galnay afartan-guuradii qoraalka afka Soomaaliga. Waxa aan keeni karaa caddaymo muujinaya in aan aragtidaas lahaa, oo rag iyo dumar badan oo ka mid ahaa wufuuddii shirkaasi ka qeyb gashay oo arrintaasi ogaa ayaa nool. Kaddibna waxa madax looga dhigay Guri-barwaaqo oo aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u qalmayay. Beddel waxa aan weydiinayaa sidee ayaad adiga oo Dugsi sare aqoontaatu taagan tahay aad wax uga dhigi kartaa jaamacad? Sidee ayaadse wax ugu dhigi kartaa nin heer jaamacadeed ah?.

Haddii aad ka cabanayso in Wasiir Guribarwaaqo uu kaa eryay shaqo aad ka haysay Jaamacadda Hargeysa, qudhaadhu waxa aad qayb ka tahay sababaha aan u joojiyay barennimada dugsiyada sare ee gaarka ah oo aan faraha ka qaaday 2012ka. Waa halkaagiiye, haddii loo baahdana waa aan sii faahfaahin doonaa.

Buugaagta Wasiirku Qoray
Qalinka Wasiirku kama amarqaato madaxweyne. Qofkuna xor ayuu u yahay abbaarta uu wax ka qorayo. Waad la ambatay dacwadda habawga ah ee aad u gudbisay madaxwenayaasha Soomaalida. Waa lagu kala aragti duwanaan karaa hoggaaminta qofka madaxda ah. Waxa hubaal ah in fekrado kala geddisan laga qabo Maxamed Siyaad Barre. Guribarwaaqo ma caayin Sayidka wuxuu se xusay dhaliishiisa, oo uu waliba xigashooyin sugan oo cid kale qoreen uu buugga uga dhigey bud dhig. Rag wanaaggiisa in badan wax ka qoray way jiraan. Qalinka Wasiirka uma hagi kartid sida aad rabto.

Geelaa aad sheegtay in uu Ciidagale ka dhacayna awowgay labaad oo Warfaa Dibad Maxamed ah baa ku dhintay. Wasiirku cidna gaal kuma sheegin. Sayid Maxamed wixii uu samaan iyo xumaan lahaana wuu la dhintay, Ilaahay godka ha u nuuro. Walaw uu Sayid Maxamed diinta yaqaannay, adiga ayaa qiraya in uu geela dhici jiray. Hal-abuurkii aqoonta diintu ku yarayd ayaa xabbadhiddiisa u daliishaday in dhaca geelu xalaal yahay.

Waa kii nin ku gabyay:
Wadaadkii Xadeed iyo fadhiyay, xarun daraawiishka
Isagaba xaq iyo baaddil waw, kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay fardaha, kuma xabbaadheene
Xasan iyo Xuseen baa ogaa, xeer u leeyahaye

Haddaad meel walba laaxin ka raadiso waa gef. Buugga Magac Bilaash uma baxo aqoon badan ayaanu ka faa’iidnay. Sida:
Magaca Gaas: dab ayaa la moodaa, waa se ciidan… Guutaale ayuu la micno yahay. Waxa loo bixiyaa qofka wiilasha badan la walaalka ah
Magaca Madar: roob baa la moodaa waa Shir… Madar waxa uu la micno yahay Shire iyo Kulmiye

Erey uu nin Caddaan ahi yidhi kuma gaaloobayo Wasiir Cabdiraxmaan. Islaamnimo ayuu ku dhashay, ku dhaqday, ku dhistay, kuna dhiman doonaa insha Allah. Adiga ayaa caddayn doona waxa aad Islaamnida Wasiirka Mugdiga u gelisay. Maxamedow ogaalkay ma aad lahayn aqoon diineed oo wax lagu gaalaysiiyo’e.. Ma dhawaan ayaad tagfiirka ku biirtay?

Gebagebo

Maxamedow, Wasiir Cabdiraxmaan buugaag ayuu qoray. Faallada iyo naqdigooda waa u diyaar. Adigu maxaad qortay? Ma baqashii fardaha la daaqday ee faraska ismoodday baad tahay?

Madaxweynuhu isaga ayaa xaq u leh in uu magacaabo cidda uu doono.. Afkaagana kuma eryayo Wasiir Guribarwaaqo, waxa kuu fiican inaad Jaamacad gasho. Ugu dambayntii Wasiirka xaal ayaan ka siinayaa af-legaaddada uga timi wiilkaas aan ilmaadeerka nahay ee aan xidhihiisa ahay.

Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa
saedmgahair@hotmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.