“Aragtida Qarannimada,” Prof Cabdi Cali

0
139 views
Haddaynu Rabno In Aynu Hore U Socon, Aynu dumino Darbiyada Establisment-ka?
Prof Cabdi Cali Jaamac

“Aragtida Qarannimada,” Prof Cabdi Cali
Horta Wali Masuuliyad Ma La Saaray Qabyaaladda iyo Qabiilka, Waynu Ka Cabanna uune.

Maanta Ayaan Soo Fadhiisiyay Bahashii, Ee Ila Eega waxan qabaa in la rabbayn karo’e. Wuu Inna Qalday Ninkii Ina Yidhi La Dagaalama Qabyaaladda si indho la’aan ah iyo Kii Ina Yidhi Qaran Iyo Qabiil Isma qabanayaan; Innagaa Is ogolaysiinayna; Ee Bal eeg Sidaynu isugu fadhiisino!!!

Hiilka Siyaasadeed ee Qabiilku Siyaasigiisa Siiyo, Mid Waa La Ogaa, Mid Ka Daran Baa Se Soo Korodhay Dhawaanahan, Xaajow!!!

In reerku taageero gar iyo gardaroo musharrixiisa M/weyne soo jireen bay ahayd, waxase soo korodhay mid la bilaabantay xukuumaddii tan ka horraysay, hiilkaasi waa mid innagu cusub; marka reerka inankoodu kursiga fuulo taageeradii way sii wadayaan gar iyo gar darro ama ugu yaraan aamus bay ugu hiilinayaan oo aanay waxba ka sheegayn qalad kasta iyo fool xumo kasta oo uu sameeyo ama ay samayso xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay inankoodu!!!!

Hadda dhaqankaasi ma jirin xilligii Ina Cigaal iyo Ina Riyaale. Waa xukuumaddii Siilaanyo uun inta uu bilaabmay, haddana durba waxaad mooddaa dhaqan soo jireen ah. Markhaati uma baahna waxaad wada haysaan Clip-ka M/weynaha maantu uu ku dhilayo Marxuum Cigaal isagoo dhegaha ka raacaya, isaga oo kala dhig-dhigaya qodobbo uu markaa u arkayay in ay yihiin qaladaad siyaasadeed oo uu sameeyay Marxuum Cigaal. Waliba waagaas ma jirin axsaab siyaasadeed; magac xisbina kumuu hadlayn marku dhaliilayo Marxuum Cigaal. Mana qabo in uu ahaa xilli u baahan in sidaa adag la isu dhaliilo; wuxu ahaa xilli aynu ku soo noqonnay dalkii oo bur-buray, oo aynu Alla ha u naxariistee marxuumka ugu yeedhanay inuu badhida dhulka inoo dhigo, ka dib markii, runtaa wanaagsane, madaxdii jabhadda SNM ee dalka xorraysay isku keen dul qabsatay, ee ay iyagiina madaxa isla galeen, innagiina madaxa isu keen galiyeen!!! markaa runtii may ahayn xilli wax la mucaarido, maxaa yeelay seeskii baa ba la inoo dhigayay oo dawladnimaduba yagleel bay ahayd!!!

Ma muddadaa yar ee gaaban ayaa dhaqan siyaasadeedka intaa le’egi is beddelay!!!?

Haddaba, waxan soo jeedin lahaa anigoo dib ugu noqonaya fikir-kaygii qabiilka iyo qaranka sida laysu waafajinayo, in xeer dhaqameed reeraha Somaliland ka dhigtaan arrinkaas; xeerkaasi wuxu odhanayaa, bil-matal, mar haddii reerkii doorteen inankoodii, oo uu kursigii ugu sarreeyay ku fadhiistay, cid kasta ha xulafaystaane, isla markaana ay dhexdooda ku heshiiyaan inta uu meesha joogo in aanay iyagu ka hadal xumaantiisa ama ay taageeraanba ama difaacaanba;ka reerka kale ah ee dhaliilana, loo jawaabo ama isna la cadaadiyo ama la laaluusho. Haddii ay sidaa tahay,, haddaba, wuxu odhanayaa xeerku: reerka inankoodu noqdo M/weyne, hadday gartaan in ay ku hayaan meeshii oo ugu yaraan ka aamusaan xumaantiisa; wuxu odhanayaa xeerku; markaas reerku dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan ha u qaadaan, hana iimaansadaan oo ha ogolaadaan dhaxalka uu reebo inankoodu; arrimahaasna si dhaqan ah reeruhu ha uga xisaabtamaan, mana aha siyaasad ee waxay ahaanaysaa arrin dhaqan-siyaasadeed ah; waxa kale oo tani bilaw u noqon kartaa in aynu yeelanno Dastuur aan qornayn (un-written constituition).

Isla xeerku wuxu odhanayaa reerka aan sidaa samayn ee ka qabta xumaanta inankooda, ka hor intaan dadku ku kicin, looma raacayo wuxu inankoodu sameeyo muddada xilkiisa; xumaan kasta oo uu sameeyaana isaga ayay ku kooban tahay; bil matal, haddii uu maqli waayo.

Dee bahashan Qabyaalada aynu nidhaa ee nafta inoo keentay, ee innagu dhex naaxday, ee dhiigii iyo dheecaankii innaga dhammaysay; maxaa mar uun masuuliyad iyo xil aynu u saari waynay; dee ma waxaanay inna dhex mushaaxin baa iyadoo laafyoonaysaa, oo aan libiqsanayn.!!! Dee way cuntaa, cabtaa, seexataa, soo toostaa; yaa culaysba saaray!! way tadhahdaye!!

Mechanism:
Shir ballaadhan ayay isugu imanayaan reeraha dega Somaliland; ma aha shirkaasi waxan aynu ugu yeedhno Shirweyne Qaran; laguma dhaliilayo xukuumadda jirta; maxaa yeelay xeerka la samaynayo ma ah mid kaligeed khuseeya ee waa mid khuseeya xukuumad kasta oo iman doonta iyo tan maanta joogtaba intaba ; reerhuhu waxay samaynayaan guddi garsoor ah oo reeraha oo dhan ka kooban; waa guddi garsoore ah; waa guddiga xukumaysa in reer kaasi xumaantii inankooda ku taageereen, ama ka aamuseen xumaantiisa; sidaa darteed uu hayo xeerkii la dhigtay; ama waa guddi da odhanaysaa reerkaasi iskamay xigsiin reeraha kale inankooda, waanay qabteen inankii, sidaa darteed, wixii uu xumaan sameeyay, isaga ayay ku kooban tahay, reerkiisuna shaqo kuma laha.

Ka warran haddii reerihii taageersanaa Siyaad Barre, gaar ahaan xilliyadii danbe ee uu dadka iyo dalka bur-buirnayay; ka warran haddii ay ogaan lahaayeen in xeer dhaqameed uu jiro oo hadhaw reeraha Somaliyeed oo dhami ay reernimo ula xisaabtami doonaan; saw is may qabteen?. Ka warran haddii lagaga dhabaynayo waliba oo aanu safaad jirin.

teeda kale, xataa dawladdu hadday bur-burto, reeruhu ma bur-burayaan, wali way joogaan; markasta oo Qaranku liico, oo la xukumo reerkii dalka baabiiyeyna, waxay isla gogoshaasi noqonaysaa meel dib looga unki karo dawladnimadii, oo isla reerahan ayuun baa kolay isu yimaadda sidaynu soo aragnay si dib loogu bilaabo dawladnimadii; lama huraan waa caws jilaal.

Waar qaranka ha lagu dhiso qabiilka iyo qabyaaladda lafteeda oo la edbiyo nimanyahaw; oo qabyaaladdan aynu ka cabaadayno aynu ku xakamayno oo ku qar-qarsino isla dhaqankeeda iyo xeerarkeeda soo jireenka ah. Qaar baa sugaya in maalin maalmaha ka mid ah uu nasri soo degi doono, oo aynu qabyaaladda xalay dhalay ka noqon doono; waa baabaacadaa oo timo ka soo baxaan; haw fadhiyin!!! ee caqli keen, waa halkii Dr. Bulxane.

Ilaahay run buu sheegay, marku yidhi: Wajacalnaakum Shucuuban Waqabaa’ila Litacaarafuu; Inna Akramakum Cindallahi Atqaakum.

Marku leeyahay Ilaahay si aad isu aqoonsataan, marka lagu macneeyo context-ka ama siyaaqa maqaalkeena waxay noqonaysaa, waa in la gartaa ninka wax xumeeyay cidda uu yahay, sida loogu baahan yahay in la ogaado cidda wax hagaajisa; sidoo kale waa in aynu aqoonsanaa reerka wax kharibay iyo ka wax hagaajiyay; dee waa in la yidhaa ina hebel oo reer hebel ah dawladdii wuu naga kharribay; ama haddii reerkiisu kula socdeen, reer hebel way baabiyeen qarankii. markaa ma kuu muuqataa in reer waliba gunnimada ka carari doono, oo lagu tartami doono in waddanka la hagaajiyo; waayo qabyaaladu waa qab(pride); waa arrin psychology ah; qabkii maanta waad jihaysay; reerka qab yeelan karaa waa reerka inankoodu wax hagaajiyo ee Qaranka dhiso; reerkaas oo kaliya ayaa hadhow faani kara!!!

Halkaas, waxaynu isku fadhiisinay dawladdii casriga ahayd, dhaqankii iyo diintii….

Cabdoo, U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.
Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.