Aragtida Madaxweyne Biixi Ee Nabadda Itoobiya & Eretiriya

0
283 views
Aragtida Madaxweyne Biixi Ee Nabadda Itoobiya & Eretiriya

Aragtida Madaxweyne Biixi Ee Nabadda Itoobiya & Eretiriya

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in nabadda ka islaaxday dalalka Itoobiya Iyo Eretiriya oo wakhti dheer col ahaa wax weyn ku soo kordhinayso degenaanshaha mandaqada waxaanu u sacab tumay heshiiska ay wada gaadheen labada hoggaamiye ee dalalkaasi.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay waxay soo dhawaynaysa oo bogaadinaysa heshiiska nabadeed ee Ethiopia iyo Eritrea wada saxeexdeen, heshiiska saaxiibtinimo iyo shaacinta in xaaladdii dagaalku dhammaatay. Waa waa tallaabo taariikhi ah oo ku dayasho mudan, waxaanay wax ku soo kordhinaysa amniga iyo degenaanshaha guud ahaan gobolka,” Sidaas ayuu ku yidhi madaxweyne Biixi farriin uu boggiisa Twitter-ka ku qoray.

Dalalka Itoobiya iyo Eretiriya ayaa shalay iclaamiyay in ay dhammaatay xaaladdii dagaal ee labada dal u dhexaysay labaataneeyo sannadood islamarkaana xidhiidhka labada dal iyo bulsho caadi laga dhigayo.

Hase ahaatee wali ma cadda mawqifka Dr Abiy Axmed ee ku aaddan dawladda Somaliland oo xidhiidh fiican ka dhexeeyay waana dalka kaliya ee daris ah oo aanay madaxdiisa is arag sidii loo doortay. Waxa hore u jirtay hadal hayn ah in madaxweyne Biixi bookhan doono laakiin, wali ma cadda taasi.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.