Aqoonyahanno Sheegay in Somaliland Citiraaf Ugu Dhawaatay Heshiiska Berbera

0
723 views
Aqoonyahanno Sheegay in Somaliland Citiraaf Ugu Dhawaatay Heshiiska Berbera

Aqoonyahanno Sheegay in Somaliland Citiraaf Ugu Dhawaatay Heshiiska Berbera
Hargeysa(Sayruuq) Wakaaladda Turkiga ee Anadolu ayaa daabacday qormo ay qoreen Bareyaal jaamacadeed oo lagu lafo guray heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya. Qormadan ayaa lagu sheegay in Somaliland si weyn ugu dhaqaaqday dhanka aqoonsi raadinta iyo in ay madax bannaani ka hesho Muqdisho kuna soo hirtaan maalgashadeyaasha iyo waddamada danaynaya goobta muhiimka ah ee Somaliland dhacdo.

Dr Brendon Cannon waa kaaliye Professor oo kulliyadda ammaanka rayidka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee jaamacadda Khalifa oo Imaaraadka ku taalla, wuxuuna si gaar  ah waayo aragnimo ugu leeyahay Geeska Afrika iyo Bariga dhexe, halka Dr. Ash Rossiter isla Jaamacadda kaaliye Professor ka ah aqoon dheeraad ah u leeyahay ammaanka caalamiga ah iyo isbedelka Teknoolajiyada waxaanay wada jir u soo saareen falanqayn ku saabsan muhiimadda istraatijiyadeed ee dekedda Berbera la leedahay iyo faa’iidada dhanka aqoonsiga ee Somaliland.

Khubradani waxay sheegtay in dawladda Itoobiya oo ku hawlan danaheeda baayactanka dekedaha gobolku lugaha ku fidsatay dekedaha Suudaan, Somaliland iyo Kenya laakiin, tan ugu muhiimsan tahay dekedda Berbera oo ay ka dhoofin karto xoolaha nool iyo agabka kale.

Qormadan waxa lagu sheegay in heshiiska saddex geesoodka ahi muhiimad weyn oo dhanka Citiraafka ah ugu fadhiyo Somaliland, halka Itoobiya uu ugu fadhiyo in ay sii adkaysato awoodda ay gobolka ku leedahay iyada oo kaashanaya Khaliijka siiba Imaaraadka oo maalgalinta lacageed ku samaynaya dekedda. Waxa lagu sheegay in aanay Soomaaliya waxba u dhimi Karin heshiiskan ay dabada ka riixayso Itoobiya iyo Imaaraadka Carabtu.

Source:Geopolitical Change, a Rising Hegemon, and Berbera Port Deal

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.