Aqalka Sare Ee Somalia Oo Ku Kala Kacay Arrinta DP World

0
458 views
Aqalka Sare Ee Somalia Oo AMISOM La Wareegayso

Aqalka Sare Ee Somalia Oo Ku Kala Kacay Arrinta DP World

Golaha sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka maagay go’aan ka gaadhista xeerka lagu magacaabay dhawrista gobanimada geyiga Soomaaliyeed ee golaha shacabka Soomaaliya Isniintii ku sheegay in shirkadda DP World lagaga mamnuucay Soomaaliya taas oo dulucdeedu ahayd in la carqaladeeyo heshiiska dekedda Berbera.

Kulan la filayay in go’aan lagaga gaadho xeerka shalay uga yimid aqalka hoose ayaa qaatay saacado dheeraad ah oo la isku mari waayay waxaana goobta ka dareeray mudaneyaasha markii wakhtigu dheeraaday iyada oo tobaneeyo xildhibaan aanay aragtidooda dhiiban.

Mudaneyaasha qaarkood ayaa sheegay in go’aankani yahay mid qarbo qabo lagu soo dhoobdhoobay oo la mindi roorteedayay, islamarkaana inta habeenkii la qoray subaxii laga ansixiyay golaha hoose. Waxay sheegeen in uu dhaaci karo xidhiidhka Somaliland iyo Somalia iyo xidhiidhka Muqdisho la leedahay Addis Ababa iyo Abu Dubai.

Mudaneyaasha qaar ayaa sheegay in Soomaaliya iska indho tirayso dawladda Itoobiya ee leh 19% maamulka dekedda Berbera, islamarkaana isku maqiiqayso Somaliland iyo shirkadda DP World. Waxaana dooda ka muuqata kala aragti fogaan iyada oo mudaneyaasha qaar taageersan yihiin kuwana si kulul uga hor yimaaddeen, islamarkaana kulanka la iskaga dareeray iyada oo aan la soo xidhin laguna kala tagin wax qorshe ah.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here