“Anagu Somaliland Wax Xidhiidh Ah Lama Lihin,” Imaaraadka

0
2,560 views
Wasiir Qarqaash Oo Mar Kale Ka Hadlay Somaliland

“Anagu Somaliland Wax Xidhiidh Ah Lama Lihin,” Imaaraadka

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul uga hadashay khilaafka cakiran ee soo kala dhexgalay dawladda Soomaaliya. Wasiirru dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash ayaa laanta BBC-da ee Carabiga u sheegay in ay dekedda Berbera ka wada xaajoodeen xukumaddihii hore ee Somaliland iyo Somalia, islamarkaana Imaaraadku door fududayn ah ka qaatay kulamadooda.

Wasiirkan reer Imaaraad ayaa afka ku ballaadhiyay in aanay wax xidhiidh ah la lahayn Somaliland “Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfaham cad oo aanu la yeelanay dawladihii hore ee Soomaaliya waxaanay hoos imanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah. Anagu qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin xidhiidhna lama lihin. Waxaanu kaalin ku lahayn in aanu kulamo u qabano madaxda Soomaalida waxaanay ku kulmeen Abu Dubai iyo Dubai doorkayaguna wuxuu ahaa fududayn,” Sidaas ayuu yidhi Anwar Qarqaash.

Wasiirru dawle Qarqaash waxa uu sheegay in Imaaraadka oo aan citiraafsanayn Somaliland u arkayay in aanay ka hor joogsanayn heshiisyada horumarinta iyo gargaarka ah ee Somaliland ay la galeen “Isfahannadu waxay ku qotomeen haddii aanu aqoonsanahay siyaasadda Soomaaliya mid ah in aanay naga reebayn in aanu ka shaqayno dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aanu Somaliland ka samayno.”

Wasiirkan reer Imaaraad ayaa u manno sheegtay Soomaaliya waxaanu sheegay in aanay aqbalayn in Muqdisho oo ay soo kaalmaynayeen 25 sannadood maanta ula dhaqanto sida ka dhacday madaarka Muqdisho “Haddii qof ku kaalmaynayay 20 ilaa 25 sannadood ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadasha. Maaha in aad qabsato diyaarad ay saaran yihiin 47 askari oo Imaaraad ah oo sidda ilaa 10 milyan oo dollar oo ah wixii ku baxayay ciidan badan oo Soomaali ah oo inta aad go’aanka qaadato aad tidhaa waxaanu arrinta ku xallinayna qol xidhan maya maya sidaas hawshu kuma dhammaanayso waa in arrintu caddaato.’

Dawladda Imaaraadka ayaa hore u sheegtay in ciidamadooda la socday diyaaradda lacagta lagala degay madaxa qoryo lagaga qabtay. Waxay Muqdisho ku eedaysay in ay jabisay dhaqanka waddamada u dhexeeya, sharciga caalamiga ah iyo maamuuska diblamaasiyadda dunida.

Xidhiidhka Muqdisho iyo Abu Dubai ayaa xumaaday markii badhtamihii sanadkii hore Somalia dhexdhexaad ka noqotay khilaafka Qadar iyo waddamada Carabta waxaanu meeshii u hoosaysya gaadhay markii la qabsaday lacagta Imaaraadka iyada oo hore Muqdisho uga qaylisay 19% dekedda Berbera laga siiyay Itoobiya.

Qadar Miyay Ka Faa’iidaysanaysa Khilaafka Imaaraadka & Somalia?Africanews

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.