AMISOM Oo Amartay In Aan La Gali Karin Xalane

0
420 views
AMISOM Oo Amartay In Aan La Gali Karin Xalane

AMISOM Oo Amartay In Aan La Gali Karin Xalane

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Hiiraan Online u sheegay in howlgalka midowga Africa AMISOM uu soo rogay amar ah in aan gudaha loo galin karin xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada midowga Africa.

Xarunta Xalane ayaa sidoo kale saldhig u ah safaaradaha shisheeye iyo hay’addaha Qaramada Midoobey intooda badan waxaana ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Lama oga sababta ka danbeysa amarkan laga soo saaray dhaqdhaqaaqa xarunta Xalane laakiin waxaa loo maleynayaa in uu salka ku hayo arrimo la xidhiidha dhinaca Amniga.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa Muqdisho culays ku hayay jidadka la xidho kadib xiisadda siyaasadeed ee xukumadda iyo Baarlamaanka. Xilligan ayaa si weyn loo hadal hayaa loolan salka ku haya dalal shisheeye oo loogu jiro cidda noqonaysa guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya.

Source: Hiiraan

Imaaraadka Oo Ka hulleelay Maamulka Puntland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here