Amb Keating Oo La Kulmay Hoggaamiye Xirsi

0
444 views
Amb Keating Oo La Kulmay Hoggaamiye Xirsi

Amb Keating Oo La Kulmay Hoggaamiye Xirsi

Hargeysa(Sayruuq) Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Amb Michael Keating ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Ma jiro war rasmi ah oo ay wada jir u soo saareen laakiin, waxay ka wada hadleen doorka ammaanka ee xisbiga Waddani.

Danjire Keating ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay fursadda uu u helay la kulanka hoggaamiye Xirsi iyo masuuliyiinta wehelinaysay, islamarkaana uu helay aragtidooda ilaalinta ammaanka iyo sii wadida xasilloonida.

Hoggaamiye Xirsi ayaa dhankiisa sheegay in ay Mr Keating ka wada hadleen ka wada shaqaynta ammaanka iyo horumarka Somaliland.

 

Amb Keating ayaa maalmaha iskaga dab qaadayay Puntland iyo Somaliland waxaanu la kulmay madaxweyne Biixi iyo Cabdiwali Gaas oo uu kala hadlay xiisadda Tukaraq hase ahaatee maanta ayaa la sheegay in isku dhac kooban dhexmaray ciidamada jiida hore ee Tukaraq isku hor fadhiya.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here