Amb David Concar Oo La Waydiiyay Su’aal Muran Weyni Ka Taagna
Somaliland iyo Soomaaliya oo kala madax bannaan ilaa 1991 ayaa masuuliyiinta dalalka caalamka iyo hay’addaha caalamiga ahi u soo magacowdaan lagu muransan yahay in ay yihiin wakiillo cidda soo diratay u matalaya Somalia iyo Somaliland iyo in ay metelayaan Soomaaliya oo kaliya.
Inta badan wakiilladan ayay Somaliland u adeegsata safiirka Somaliland iyo Somalia iyada oo mararka qaar lagu doodo in ay yihiin safiirka Soomaaliya.
Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb David Concar ayaa la waydiiyay in uu yahay danjiraha Ingiriiska ee Somaliland & Somalia iyo in uu yahay danjiraha Soomaaliya oo kaliya.
Waxa uu sheegay in uu yahay safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia labadaba inkasta oo uu ku dooday in si marka loo eegana fadhigiisu yahay Muqdisho laakiin, uu danaha dalkiisa labada dhinacba u metelo