Al-shabaab Oo Khasaare Ba’an Gaadhsiisay Saldhig Militari Oo Ay Weerartay

0
119 views

Muqdisho(Sayruuq) Kooxda Alshabaab ayaa dishay ugu yaraan 15 Askarta Soomaaliya ka mid ah kadib markii weerartay Saldhig ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Bariire ee gobolka Shabeellada hoose oo koonfur galbeed Muqdisho ka xigta 50Km. Cali Nuur Faarax guddoomiye xigeenka Shabeellada hoose iyo dad degaanka ah ayaa jimcaha maanta u xaqiijiyay weerarka wakaaladda wararka ee Reuters.

Kooxda ayaa weerarka u adeegsatay laba qarax oo baabuur loo adeegsaday iyo weerar toos ah “Markii hore waxaanu maqalnay laba qarax oo waaweyn kadibna waxaa daba socotay rasaas, waxaad mooda in waabarigii dagaalku dhammaaday,” Sidaas ayuu yidhi Cali Nuur.

Afhayeenka hawlgallada Militariga Alshabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay dileen 21 Askari, islamarkaana kaxaysteen 11 baabuurta qoryuhu saaran yihiin ee teknikada ah. waxa uu sheegay in Askartii Saldhiga inta kale kaymaha u firxadeen. Waxa uu intaasi raaciyay in ay haatan degmada iyo saldhiga gacanta ku hayaan dagaal yahanada Shabaab.

Kabtan Cismaan Cali oo u hadlay Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 15 askari. Waxa uu sheegay in Saldhigga ay joogeen ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada gaarka ah ee Maraykanku tababaro ee Danab. Waxa uu sheegay in ay suuro gal tahay in ciidamada shisheeyaha ee Soomaaliya kaalmeeya qayb ka ahaayeen ciidanka la weeraray.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxay Alshabaab ka gaysatay weerarro lala beegsaday Saldhigyo Militari aagga Kismaayo iyo meelaha u dhaw xuduudka Kenya. Labada weerar waxa ku dhintay dad ku dhaw 50 qof. Wakaaladda Faransiiska ee AFP ayaa baahisay in ciidamada lagu weeraray Saldhig u dhaw xuduudka keenaya markii weerarku asqeeyay ay u baxsadeen Kenya iyaga oo boqol ka badan.

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.