Akhriso: Warqad Xudun U Ahayd Khilaafka Wasiirka Warfaafinta Iyo Agaasimihii Guud Oo Madaxweynuhu Eryay

0
403 views
Akhriso: Warqad Xudun U Ahayd Khilaafka Wasiirka Warfaafinta Iyo Agaasimihii Guud Oo Madaxweynuhu Eryay

Akhriso: Warqad Xudun U Ahayd Khilaafka Wasiirka Warfaafinta Iyo Agaasimihii Guud Oo Madaxweynuhu Eryay
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay isku shaandhayn kooban iyo xil ka qaadis ku sameeyay masuuliyiinta xukumaddiisa. Waxa ka soo baxay faallooyin badan ujeedka isku shaandhaynta laakiin, waxay dad badan la tahay in ay sababtay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta oo ay is khilaafeen wasiirkiisa Mr Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.
Masuuliyiinta Madaxweynuhu isku bedelay:
1. Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha
2. Mustafe Godane Cali Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
3. Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar Guddoomiyaha Gobolka Sool
4. Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:
Tir Magaca Xilka
1. Admiral Guuto Cabdi Xirsi Ducaale La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda
2. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Xil ka Qaadis
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu xilka ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Cali Maxamed Cali Nuur iyo guddoomiyihii gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir inkasta oo aanu xusin sababta loo eryay marka laga reebo in xilalka dawladdu yihiin meerto hadba ciddii hanan karta loo dhiibo..
Muxuu salka ku hayay khilaafka masuuliyiinta warfaafintu
Galinkii hore ee shalay waxa soo shaac baxay oo baraha bulshada iyo saxaafadda lagu faafiyay in wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo shaqada ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Cali Maxamed Cali hase ahaatee saacado kadib warkaas waxa soo baxday isku shaandhayn kooban oo madaxweynuhu sameeyay taas oo faallada ugu weyn ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha.
Haddaba wargeyska Waaberi ayaa arkay warqad agaasimaha guud ee xilka laga qaaday ku dacweeyay agaasimaha Maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda taas oo la rumaysan yahay in ay xuddun u tahay khilaafka masuuliyiinta wasaaradda oo sahayatay agaasimihii guud waxaanay u dhignayd sidan eedaha agaasimaha guud u jeediyay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradda warfaafinta:-
Agaasime waxaan kugu wargelinaya in guddiga anshax marinta oo aan guddoomiye u ahay aad hor timaaddo Sabtida oo ay taariikhdu tahay 04-08-2018.Sababa dambiyada xafiiska agaasimaha guud kugu soo oogayna waa:
1. In shaqaale farada badan aad ka joojiso mushaharka si aan waafaqsanayn maamulka dhabta ah;
2. In aadan la socodsiin agaasimaha kharashaadka soo iibinta alaabta markuu ku waydiiyayna aad jawaab soo celin wayday;
3. In agaasimaha guud dhawr jeer kaa codsaday kharashaadka xafiiska Tv-ga Qaranka ee Yurub oo u soo jawaabi wayday;
4. In aad mashiin laydh ama generator soo iibisay adiga oo aan la socodsiin ogolaanshana ka haysan agaasimaha guud iskana dhego tirtay sicirka in aad sheegto;
5. Waxaad soo iibisay kamarado kuna xidhxidhay wasaaradda aniga oo aan fasax ku siin lana socon iibkooda;
6. Waxaad qandaraas la gashay ajaanib Suuriya u dhashay oo dhisaya qol ka mid ah wasaaradda oo aad u qadintay $1900;
7. Waxaad joojisay soollarkii sabab la’aan oo mashiinnadii shidaalka isticmaalayay ku celisay;
8. Waxa lagu waydiiyay heshiiskii wasaaradda iyo Telesom ee barmaamijkii kobci garaadkaaga waxaad sheegtay in aan heshiis jirin oo baalmarsan maamul wanaagga;
9. Waxaad u hanjabta shaqaalaha;
10. Waxaad u dhooftay Ingiriiska adiga oo aan la socodsiin agaasimaha guud ee wasaaradda;
11. Waxaad hoos galisay kharashka xafiiska TV-ga Qaranka ee Yurub markii aan saxeexayay kharashkii bisha todobaad ee July, kharashka bisha sideedaad ee August oo aan wali la gaadhin.
Sidaa iyo wada shaqayn wacan
Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.