Ahlusunna Oo Hor Istaagtay Ilaalada Madaxweyne Farmaajo

0
204 views
Muxuu Farmaajo La Aamusan Yahay? Warbixin

Ahlusunna Oo Hor Istaagtay Ilaalada Madaxweyne Farmaajo

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo ka mid ahaa kuwa Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyad Cas loo diiday inay galaan magaalada.

Ciidamadan oo ka yimid dhanka Cadaado, qeybna ka ahaa Ciidamadii sugayay ammaanka Madaxweynaha safaradii uu ku marayay magaalooyin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay in lagu celiyay deegaanka Madheedh-gur oo u dhaxeeya Cadaado iyo Dhuusa Mareeb.

Bar koontarool oo ciidamo ka tirsan Ahlusuna ku leeyihiin deegaankaas ayaa lagu celiyay ciidamadan, iyagoo lagu amray inay hubka dhigaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay diideen in ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada oo ka qeyb qaata sugida ammaanka wafdiga Madaxweynaha iyo wafuuda kale ee tagi doonta Dhuusa Mareeb.

Wada hadalo la doonayo in ciidamadan loogu ogolaado inay galaan Dhuusa Mareeb ayaa soconaya, iyadoo la sheegayo in Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay kala hadleen arrintan Maamulka Ahlusuna ee gacanta ku haya Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ka degayay magaalada Garowe waxaa uga sii horeeyay ciidamo ka mid ah kuwa Ilaalada Madaxtooyada ee Koofiyad Cas-ta, kuwaas oo intii Madaxweynaha safarka ku jiray ka qeyb qaadanayay sugida amnigiisa.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Ahlusuna ay u diideen in Ilaalo la socotay Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran Xaliimo Yarey inay galaan Dhuusa Mareeb, waxaana markii dambe muran ka dhashay ay sababtay in la xidho Xaliimo Yarey iyo Ilaaladii la socotay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan gobolada dalka, waxaa gacanta ku haya Ciidamada Ahlusuna oo sanadihii u dambeeyay gacan bir ah ku hayay amniga magaalada.

Xigasho: Jowhar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.