Agaasimeyaasha Guud Oo Madaxweynaha Ka Dalbaday Mushahar Kordhin Iyo Inuu Sharraxaad Ka Siiyo Qodob Shaqadooda Khuseeya

0
417 views
Akhri: Liiska Hay’ado Dawli Ah Oo Shakhsiyaad Gacanta Ugu Jira

Agaasimeyaasha Guud Oo Madaxweynaha Ka Dalbaday Mushahar Kordhin Iyo Inuu Sharraxaad Ka Siiyo Qodob Shaqadooda Khuseeya

Madaxweyne Biixi Oo Ka Garaabay Warqad Cabasho Ah Oo Ay U Soo Gudbiyeen Agaasimeyaasha Guud Ee Xukumaddiisu

Hargeysa(Sayruuq):-Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dalka Somaliland, ayaa shirkii agaasimeyaasha ee Khamiistii aynu soo dhaafnay waxa ay warqad cabasho ah u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, shirkii dhex-maray agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo Madaxweynaha Somaliland ee dhacay maalinimaddii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayay agaasimeyaashu warqad cabasho ah u soo gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland.

 Warqaddan ayaa la sheegay in nuxurkeedu uu ka koobnaa laba qodob oo kala ahaa in Agaasimeyaashu ka cowdeen mushahaarada ay qaataan isla mar ahaantaana ay Madaxweynaha ka dalbadeen in loo kordhiyo mushaharkooda iyo sida oo kale in agaasimeyaashu ay Madaxweynaha ka codsadeen in uu u soo kala caddeeyo in agaasimeyaasha guud ay yihin kuwo ku fadhiya xilal siyaasi ah isla mar ahaantaana u dhaqmi kara sida siyaasiyiinta iyo in aanay ahayn siyaasiyiin ahayn ee ay yihiin shaqaale dawladdeed.  

Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi oo si wacan u dhageystay cabashada agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dalka, ayaa ugu horreyn ka garaabay mushahaarada ay qaataan agaasimeyaasha guud, waxaana uu ugu bushaareeyey in misaaniyadda soo socota loo kordhin doono mushahaaraddooda. Isaga oo sida oo kale na arrinta la xidhiidha dhinaca siyaasadda na u sheegay in xeerarka dalka dib loo eegi doono isla mar ahaantaana ay ku dhaqmi doonaan sida ay qabaan xeerarka dalku.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.