Agaasime Bile Oo U Muuqda In Uu Jabiyay Qorshe Madaxweyne

0
801 views
Agaasime Bile Oo U Muuqda In Uu Jabiyay Qorshe Madaxweyne

Agaasime Bile Oo U Muuqda In Uu Jabiyay Qorshe Madaxweyne

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa bilihii u dambeeyey waday qorshe lagu mabnuucayo in xil loo magacaabo qof aan ku jirin nidaamka shaqaalaysiinta. Sida ay xogta ku heshay shabakadda Sayruuq madaxweyne Biixi ayaa dabada ka riixayay in aan dadka ah shaqaale ku meel gaadh ah aan loo magacaabin xilalka waaxyaha ee hay’addaha dawladda sidii ka dhici jirtay xukumaddii hore.

Dalabka madaxweynaha ee xeerka waxa durba buriyey agaasimaha guud ee madaxtooyada mudane Maxamed Cali Bile, oo dhawaan magacaabay masuuliyiin aan ku jirin nidaamka shaqaalaha dawladda oo loo magacaabay agaasime waaxeedyada madaxtooyada.

Shaqaale ay hore madaxtooyadu ugu qaadatay ku meel gaadh iyo kuwo kale oo cusub ayuu agaasimaha madaxtooyadu xilal cusub u igmaday, arrinta ayaa ka turjmusaya is dhex yaac ka jira madaxtooyada dhexdeeda.

Sida ay xogaha ku heshay Sayruuqnews xubnaha la magacaabay qaarkood ayaa ka mid ahaa shaqaale dhawaan madaxtooyada laga dareeriyay oo lagu sababeeyay in ay ku meel gaadh ahaayeen laakiin, inta la soo celiyay xil loo magacaabay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here