Agaasime Bile Oo Abshir U Magacaabay Madaxa Kamaradaha Madaxtooyada

0
512 views
Agaasime Bile Oo Abshir U Magacaabay Madaxa Kamaradaha Madaxtooyada

Agaasime Bile Oo Abshir U Magacaabay Madaxa Kamaradaha Madaxtooyada

Hargeysa(Sayruuq) Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa Abshir Xasan Xaashi u magacaabay madaxa ammaanka dhanka Kamaradaha ee Madaxtooyada Somaliland. Abshir ayaa hore u soo noqday madaxa Hab Maamuuska madaxtooyada, madaxa waaxda gaadiidka iyo dhanka siyaasadda.

Wareegto ka soo baxday Agaasime Bile ayaa lagu sheegay in masuuliyadda waaxda loo magacaabay Mr Abshir tahay daawashada Kamaradaha madaxtooyada iyo ku wargelinta ciidanka ammaanka wixii dhaqdhaqaaq laga shakiyo ah.

Arrimaha uu Mr Abshir masuulka ka noqon doono:-

  1. habsami u shaqaynta kamaradaha ku rakiban madaxtooyada iyo agagaarkeeda, la socodka dhammaan muqaallada ay soo gudbiyaan kamaraduhu.
  2. Maamulka iyo tababarka shaqaalaha amniga, Casriyaynta dhammaan qalabka amniga ee Madaxtooyada ku rakiban iyo dhamaystirka baahiyaha amni ee xarunta madaxtooyadu u baahan tahay iyo in ay u shaqeeyaan sidii loogu talogalay.
  3. In aad wadashaqayn la yeelato Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, kuna wargeliso dhaqdhaqaaq kasta oo aan caadi ahayn oo ka jira xarunta madaxtooyada iyo agagaarkeeda.

Madaxtooyada Somaliland waa muraayaddii qaranka, taasi oo qasab ka dhigaysa in qof kasta oo xil ka qabta amma ka shaqeeyaa in uu ku sifoobo hufnaan, shaqo wanaag, karti, aqoon iyo daacadnimo. Arintaasina waa ta aan maanta kuugu gartay in aad xilalkaasi qaado. Xilka aan kuu magacaabay ee agaasime waa xil maamul oo ay hoos yimaadaan shaqaale kale oo aqoon iyo xirfadba leh. Sidaa darteed, waxa kugu waajib ah in aad dhisto waaxdaasi iyo shaqaaleheedaba oo aad ka soo saarto waax isku filan oo si buuxda u shaqeyneysa.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here